Ficillo Sahashi Iyo Maadays U Dhaca Oo Ingiriiska Ay Uga Yaallaan Xeerar Ciqaabeed Oo Adag Balse Duug Noqday (1)

0
824

Picture8Hargeysa (Geeska)- Dhowaan waxaa dhacay in nin isku dayey in uu talefankiisa gacanta ka dabaysto soket ku yaallay derbiga xarun tareennada laga raaco oo dhulka hoostiisa ah magaalada London, isla markkiiba booliisku inta uu katiinadeeyey ku riday baabuurta maxaabisita lagu qaadoo iyada oo lagu soo eedeeyey dembiga ah in uu koronotada uga faa’idaystay dhibaato isaga u gaar ah.

Shabakadda independent qaybteeda i100.com ee ka faallooto arrimaha xiisaha leh iyo maadayska ayaa iyada oo dhacdadan ka duulaysa dib u baadhis ku samaysay sharciyada sida ka ninkan lagu qaaday oo kale ah ee muddo qarniyo ka hor ah inta dalka ingiriiska loo dejiyey, kadibna waqtigoodii la dhaafay oo dadku aanay ku dhaqmin balse aan sharci ahaan loo burin ee weli yaalla, dadkuna aanay aqoonin. Sharciyadaas oo uu Geeska Afrika soo turjumay kuwooda xiisaha gaarka ah lehna waxaa ka mid ah:

1. Gabadh kuu doonan been ha u sheegin: Nin u dhashay magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska ayaa illaaway in uu sii kiraysto hudheel uu ku aqalgali lahaa oo ay xaaskiisa isla garteen. Nasiib darro markii waqtigii ballanta arooska ay ka hadhay muddo gaaban oo aanay suurtogal ahayn in la helo hoolkan oo maalmo ka hor la isa sii diiwaangelin jiray, ayaa waxaa markiiba ku dhashay fikir ah in si aanay xaaskiisu uga cadhoon dayacaadda uu sameeyey uu soo allifo qiso baajisa arooskooda.

Talefan ayaa uu u diray qaybta diiwaangelinta dembiyada ee booliiska, inta uu codkiisa beddelay ayaanu u sheegay in miino dhaqso u qarxaysaa ay ku xidhan tahay hudheelka, gaar ahaan hoolka, isla markiiba booliiska ayaa xidhay hudheelkii iyo goobtii oo dhan, laakiin baadhis kadib waxaa caddaatay in talefanka la soo diray been ahaa.

In kasta oo Neil McArdle oo 36 jir ahaa uu ku guulaystay ujeedadiisii oo arooskii baaqday iyada oo aaminsan in qaddar kale oo ka awood badan iyada iyo saygeedu baajiyey, haddana daqiiqado yar kadib ayaa waxaa dhacay in nin ka tirsan xuuraanka booliisku uu maqlay Neil iyo dumaashidii oo ogeyd oo isku canaanaya qaladka dhacay. Isla markiiba Neil xabsiga ayaa loo taxaabay, waxaana lagu qaaday laba xeer ciqaabeed oo mid yahay khalkhalinta amniga kan kalana yahay been u sheegidda gabadha kuu doonan. Waxaana lagu xukumay 12 bilood oo xabsi ah.