FBI Oo Ku Daba Jirta Dhalinyaro Somali-Maraykan Ah Oo U Dagaal Tegey Dalka Suuriya

0
515

kjMinneapolis (Geeska)- Afhayeen u hadlay hayadda dembi-baadhista Maraykanka ee FBI ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khamiistii dorraad 12ka Juun 2014, u sheegay in FBI ay baadhitaanno ku wado faylasha muwaadiniin asalkoodu Soomaali yahay oo u safray dalka Suuriya, si ay uga garab dagaallamaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka adag kula jira dowladda uu hoggaamiyo Bashaar Al-Asad. Afhayeenka u hadlay faraca ay FBI ku leedahay magaaladan Minneapolis oo lagu magacaabo Kyle Loven waxa uu sheegay in FBI ay bilihii u dambeeyey heshay macluumaad sheegaya in rag tiradoodu u dhaxayso 10 illaa 15 oo ka mid ahaa jaaliyadda Soomaalida Maraykanku ay u safreen dalka Suuriya, dadkaas oo ka baxay Magaalada ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin ee Minneapolis, ayuu afhayeenku sheegay in ay ku biireen kooxaha Sunniyiinta ah ee ka dagaallama dalka Suuriya oo uu ku tilmaamay xag-jirka in kasta oo aanu magacooda xusin.

Wasaaradda Garsoorka ee dalka Maraykanka, Wakaaladda FBI iyo wakaaladaha Maraykanka ee sirta ah ayaa muddooyinkan dambe bilaabay qorshe qarsoodi ah oo wakiillo iyo kooxo gaar ah u xil saarayaan in ay dabagal iyo la socosho ku sameeyaan safarrada noocan ah ee ay Soomaalidu dibadda ugaga baxayso Maraykanka, iyaga oo sida ay sheegeen ka cabsi qaba in dad Maraykan ah oo xag jir ahi dib ugu soo noqdaan Maraykanka kadibna hawlgallo ka fuliyaan gudihiisa. Baadhitaannada hadda socda ayaa ay FBI dib ugu eegaysaa illaa sannadkii 2007da si loo ogaado dadka asalkoodu Soomaalida yahay ee inta ay Soomaaliya muddadaas u safreen laga yaabo in ay xidhiidho la sameeyeen ama ku biireen argagaxisda ama ka soo barbar dagaalamay xarakada Al-Shabaab, ama ugu yaraan loo malaynayo in ay lacago qaadhaan ah u ururiyeen.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa muwaadiniinta dalkaas ee Suuriya u safray si ay uga dagaalamaan waxa ay ku qiyaaseen tobannaan in ay tiradoodu gaadhayso, dhowaanna xukuumadda Maraykanku waxa ay sheegtay in nin lagu magacaabo Muniir Muxammed (Abu-Saalixah) uu noqday ruuxii ugu horreeyey ee Maraykan ah ee inta la og yahay isku qarxiyey dalka Suuriya.

Dalalka reer galbeedka guud ahaan iyo si gaar ah dalalka Ingiriiska, Belgium, Holland iyo Jarmalka oo ay ku nool yihiin Soomaali iyo jaaliyado kale oo Muslim ah ayaa cabsidan Maraykanka oo kale qaba, lana aaminsan yahay in boqollaal muwaadiniintooda ahi ay ka dagaalamaan Suuriya, iyo dhulalka kale ee ay awoodda milateri ku leeyihiin jabhadaha Al-qaacida.

Warar laba toddobaad ka hor soo baxay oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qudus ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegayey in dhalinyarada Soomaali-Mararykanka ah ee jihaad-doonka u tegey dalka Suuriya uu ka mid yahay arday 20 jir oo isla magaalada Minneapolis ka tegey, kadibna qoyskiisa warqad qoraal ah uga soo diray magaalada Istanbuul ee dalka Turkey si uu ugu sheego in uu ku sii fool leeyahay dalka Suuriya oo uu ka soo jihaatamayo. Hore waxa uu Maraykanku u sheegi jiray in dhalinyaro tiradoodu gaadhayso illaa 22 oo ka tegey gobolka Minnesota ay ku biireen ururka Al-Shabaab, qaarkoodna ku dhinteen dagaallada, laakiin imika xaalku waxa uu taas hore kaga duwan yahay, dhalinyaradan hore u tegi jirtay dalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen, oo hadda u muuqda in ay si guud uga qayb qaadanayaan dagaallada Al-Qaacida ee dunida oo dhan ka jira.

Toddobaad ka hor ayaa ay ahayd markii Muwaadin Maraykan ah oo lagu magacaabo Muniir Muxamed Abu Saalixah oo Abu-Hurayra caan ku ahaa uu ka soo muuqday cajalad muuqaal ah isaga oo markaa isu diyaariyey in uu fuliyo qarax naf-hurid ah. Arrinta ugu weyn ee ay sirdoonka Maraykanku illaa hadda sida aadka ah  uu doonayaanna waa in ay ogaadaan cidda dhalinyarada ku dhiirri gelisa in ay Al-Shabaab u tagaan ama ku biiraan dagaalka ay meelo badan oo dunida ah ka wadaan Al-Qaacida iyo ururrada xidhiidhka la leh.