Faysal Oo Sheegay In Dawlada Siilaanyo Lagu Sawiray Mid Musuq, Lagana Yaabo In Bisha April La Joojiyo Mucaawinooyinka

0
481

Hargeysa(Geeska)-Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dawladda Somaliland ee uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo lagu sawiray inay tahay dawlad musuq oo kharaab ah, taas oo laga dhaadhiciyay beesha caalamka oo iyana ay suurtogal ka tahay inay tallaabooyin qaadaan horaanta sannadkan.

fffff

Faysal oo shalay u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, wuxuu sheegay in nidaamkii dawladnimo daciifay. Ugu horayn isagoo ka hadlaya shirka Djibouti ka socda ee uu wado Mr. Cali Ciise Cabdi oo ka mid ah aasaasayaashkii kooxda Khaatumo, wuxuu yidhi “Sheekadan ka socota Djibouti waa sheeko uu wado Cali Ciise Cabdi, kaas oo kale ayuu ku qabtay sannadkii hore Addis Ababa, wuxuu ka mid yahay raggii khaatumo sameeyay, halkaas wuxuu u joogaa NGO, laakiin NGO maahee waa nin wax khaatumo la yidhaahdo oo aan suurtogal ahayn dhisaya.”

Wuxuu Faysal sheegay inay shirka ka qayb galeen dad reer Somaliland ahi, “Dadkan reer Somaliland ee tagaya, casuumad ayaa lanoo soo diray haddii naarta lagugu casuumo miyaad tagaysaa, nidaamkii dawladnimo ayaa baaba’ay oo aad moodaa in laga talaabayo, kii xamar tagaa wuxuu odhanayaa anigaa metela Somaliland, inagiibaa isku maqan.”

Faysal wuxuu sheegay in dawladda Somaliland laga soo xidh-xidhay dunidii, “Adduunkii oo dhan ayaa la inaga soo xidhxidhay, dawladeenii waa la cambaareeyay dawlad kharaab ah oo musuqmaasuq ah ayaa laga dhigay, bisha April waxa laga yaabaa inaan mucaawinaba la ina siin oo waxa la yidhi meesha waa la boobayaa oo inagiibaa isku maqan.” ayuu yidhi Faysal.

wuxuu Faysal Cali Waraabe ammaanay guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, waxaanu dawladda u soo jeediyay in la kordhiyo miisaaniyada garsoorka si cadaaladda loo hagaajiyo islamarkaana lala xisaabtamo garsoorayaasha.