Qisada Ninkii Mahdiga Sheegtay Ee Ciidankiisu Xaramka Qabsadeen Iyo Dagaalkii Lagaga Xoreeyey (3) Ururintii iyo turjumaddii Kamaal A. Cali

0
576

Soo Afjariddii qabsashada Xaramka:

Arrintani waxa ay jaahwareer iyo cabsi badan gelisay dowladda Sucuudiga oo sida muuqatay aan filayn in tan oo kale dhici karto, isla markaasna aanay ciidamadeeda la dagaallanka rabshadaha iyo amnigu sidii saxda ahayd ugu tababarnayn qalab ahaanna diyaar ugu ahayn falal noocan ah. Dunida Islaamka oo dhan ayaa sidoo kale ay arrintani naxdin iyo u qaadan waa ku keentay, waxase xaalka sii murgiyey amarka Islaamiga ah ee mamnuucaya in Xaramka lagu dhex dagaallamo, kaas oo muslimiinta dhexdooda muran badan ka dhaliyey, kuwo diiddan in xabbad iyo dagaal la’ adeegsado iyo kuwo aaminsan in xaaladdan oo kale mamnuucista dagaalka Xaramku aanay ku jirin, oo xaramka laftiisii la difaacayo.

ddddd

Sucuudigu bilowgii waxa uu galay dadaal uu doonayo in waan-waan iyo wada hadal lagu dhammeeyo xaalka, waxa aanay wada xaajood la fureen Juhaymaan oo ay ka dalbadeen in uu si nabadgelyo ah isu soo dhiibo ciidamadiisana ka saaro Xaramka, isla markaana ay sii daayaan dadka ay Xaramka ku dhex qafaasheen. Juhaymaan oo si aad ah u rumaysnaa sheegashada seeddigii ee Mahdinimada ayaa soo jeedintaas dowladda Sucuudiga diiday, kana dalbaday in isaga iyo kooxdiisa la soo raaco oo Mahdiga laga taageero xoraynta dunida Muslimka.

Boqorkii xilligaas ee Sucuudiga Boqor Khaalid Bin Cabdalcasiis ayaa golaha sare ee Fatwada Diiniga ah ee dalkaas oo ay ku jiraan culimada ugu waaweyn dunidu waxa uu ka dalbaday in ay go’aan diinta waafaqsan ay ka soo saaraan qorshaha weerar ee uu damacsanaa in Xaramka lagu xoreeyo.

Maalmahaas xaaladdani jirtay waxaa joogsaday gebi ahaanba salaadihii iyo cibaadooyinkii kale ee Xaramka loo imanayey. Aakhirkiina waxa ay gaadhay in ay labada dhinac rasaas aan dagaal rasmiya ahayn ay isweydaarsadaan. Aakhirkii waxa ay Culimadu soo saareen fatwo bannaynaysa in dagaal hubaysan lagu qaado kooxda Xaramka xoogga ku haysata, dowladda Sucuudiguna waxa ay xalka kama dambaysta ah u aragtay in xoog ciidan lagu galo gudaha Xaramka, maadaama oo Juhaymaan iyo kooxdiisu si aad ah u habaysnaayeenna waxa uu Sucuudigu go’aansaday si aanu Xaramka khasaare weyni u soo gaadhin in la adeegsado xeelado iyo farsamo milateri oo ka casrisan ta caadiga ah.

Ciidamada Sucuudiga ee hawlgalkan ka qayb qaatay oo tiradoodu dhammayd 10 kun oo Kamaandoos ah oo qaarkood dusha sare diyaarado kaga soo taageen waxaa iyaguna garab siinayey ciimado ka yimid dalal badan oo muslim ah oo ay ugu horreeyaan Urdun iyo Masar. Maadaama oo Juhaymaan uu ahaa sarkaal milateri oo si gaar ah u tababaran isla markaana uu si aad ah u diyaariyey ciidanka uu Xaramka ku qabsanayey, dagaalku waxa uu ahaa mid aad u kulul oo marar badan is-caabbinta kooxdani ay riiq-dheeraanaysay.

Marka laga tago gelitaanka xoogga ahaa iyo ciidamada dallaayadaha ku boodayey ee dusha sare kaga soo daatay xaramka, hababka kale ee ay ciidamada xoraynayey Xaramku u adeegsadeen ciidanka Juhaymaan waxaa ka mid ahaa:

1.     Biyo lagu qarqiyey qudbiyada Xaramka kadibna Koronto la raaciyey si ay ugu dhegaan ragga gabboodka ka dhiganayey.

2.     Dowladda Faransiiska ayaa iyaduna dalka Sucuudiga ku caawisay Sun gaar ah oo loogu talogalay in ay hawlgab ka dhigto xubnaha qofka, oo  qofku uu dhacayo isaga oo aan far dhaqaajin Karin. Suntaas Faransiisku siiyey Sucuudiga, waqti yar ka hor bilowga hawlgalka xoraynta ayaa magaalada Daa’if ay kula kala wareegeen dowladaha Faransiiska iyo Sucuudigu, waxaana dheeraa Faransiiska oo khubaro ku xeeldheer isticmaalka suntan iyo guud ahaan deminta colaadaha noocan ah u soo diray Sucuudiga si ay tababar degdeg u siiyaan Kamaandoosta Sucuudiga ee hoggaaminaysay hawlgalka xoraynta Xaramka Barakaysan.

Markii dagaalkii kululaaday sidii la filan karayeyna ay ciidamadii Sucuudigu hoggaaminayey gudaha u galeen Xaramka dadkii dhintay ee ugu horreeyey waxaa ka mid noqday Juhaymaan seeddigii Muxammed Bin Cabdillaahi oo ahaa ninka dartii loo dagaalamayey ee sheegtay in uu yahay Mahdigii la sugayey. Arrintani waxa ay u qaadan waa iyo af-kala-qaad ku noqotay Juhaymaan, oo dabcan isaga iyo taageerayaasha kalaba ay aaminsanaayeen in cid kale ha joogto ee aanu Juhaymaan dhimanayn markan, waayo hawshii Mahdiga la sugayeyba ma’ay dhammaan oo weli bilow baa ay ahayd. Dhimashada Muxammed Bin Cabdillaahi oo Ciidamada Sucuudigu sameecado waaweyn ka baahiyeen si askartiisa gudaha ka dagaallamaysaa u maqasho, ayaa sababtay in ciidankii niyad jabo raggii hoggaaminayey ee Juhaymiin u horreeyeyna ay arkaan in qalad ay ku dagaal galeen oo nin aan Mahdigii ahayn ay moodeen in uu isagii yahay. Aakhirkiina Juhaymaan iyo intii ha hadhay ciidankii uu abaabulay waa ay is dhiibeen.

Muddo gaaban kadibna xukun dil ah ayaa lagu fuliyey 68 nin oo kooxdan ka mid ahaa, kuwaas oo uu ku jiray Juhaymaan, halkaas ayaanay ku soo afmeerantay qisada qabsashadii xaramku. Dagaalkan waxaa ku dhintay askar badan oo ka mid ah ciidamadii Kamaandoosta ee Sucuudiga iyo dalalkii kale ee garab istaagay. Waxa aanay natiijadiisu noqotay in kooxdan laga xoreeyo xaramka laakiin ciidamadii dowladda Sucuudiga iyo dalalka kale ee taageerayey iyo dadkii rayidka ahaa ay ka dhinteen 127 ruux, halka ay ka dhaawacmeen 451 qof. Dhinaca kalana ciidamadii uu watay Juhaymaan ee Mahdi is-moodka taageerayey waxaa ka dhinteen 117 nin, waxaana maxaabiis ahaan looga soo qabtay 97 nin oo badankoodu iyagu iskood isu dhiibay, 68 ka mid ah maxaabiistaas waxaa lagu fuliyey xukun ciqaabeed dil ahaa, halka 19ka soo hadhayna xabsi waqtiyo kala duwan ah lagu xukumay.  Dhammaad.