Qaadka Ay Somaliland Joojisay Oo Hoos U Dhac Weyn U Gaystay Dhaqaalaha Deegaanka Oromada Iyo Shirar Jaadka La Joojiyay Lagaga Tashanayo Oo Socda

0
1168

Hargeysa(Geeska)-Ganacsatada Oromada ee dalka Itoobiya ayaa si weyn u dareemay hoos u dhac ku yimi dhaqaalihii ka soo geli jiray jaadka loo iib keeni jiray Somaliland oo ay dawladda Somaliland u joojisay ka hortagga faafitaanka xanuunka Covid_19.

Ganacsiga qaadka oo ay ganacsatada Oromada uga xaroon jirtay lacag adagi, ayaa waxa uu sababay inuu  hoos u dhaco  dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha ee guud ahaan deegaanka Oromada, waxaana sida ay sheegayaan dadka Soomaalida ah ee degen magaalada Jigjiga suuqyada  magaalooyinka Oromada laga dareemayaa hoos u dhac dhaqaale oo aad u weyn, iyagoo uu hore dhaqaalaha Itoobiya u saameeyay xanuunka covid_19.

Ganacsato Soomaalida Itoobiya ah oo jooga magaalada Jigjiga oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay jiraan shir doceedyo kala duwan oo ay wadaan ganacsatada oromada iyo madaxda dhaqanka ee loo yaqaano ‘Abagaadhaha’, kuwaas oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa jaadka ay Somaliland joojisay mudada bisha ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay kulamo arrintan ku saabsan la yeesheen madaxda dawladda deegaanka Oromada. Waxa suurtogal ah in ganacsatada iyo odayaasha dhaqanka ee Oromadu ay dawladda federaalka Itoobiya ka codsadaan inay dawladda Somaliland kala hadasho joojinta jaadka oo haddii uu sii socdo ay aaminsanyihiin inuu dhaawacmayo dhaqaalihii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Waxa iyaguna soo baxaya in dawladda Itoobiya ee federaalka lafteedu dareentay dhaqaalaha uga soo xaroon jiray jaadka, waxaana la sheegayaa in baadhis lagu samaynayo ganacsatada qaadka gaysa Somaliland oo la sheegay inay kooto ku haystaan iib gaynta qaadka.

Geesta kale waxa isna hoos u dhacay oo joojinta qaadka laga dareemayaa ganacsatada oromada ee safarada ku iman jirtay magaalada Wajaale oo uu dhaqdhaqaaqoodii yaraaday.