Faysal iyo Cirro oo go’aansaday inay aqbalaan kulalnkii Madaxweyne Biixi ee  ay hore ugu gacansaydheen Waxa ay aqbaleen inay M

0
802

adaxweyne Biixi la kulmaan si loo fuliyo qodobadii guddiga dhexdhexaadinta

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa xaal ka siiyay shacbiga Somaliland muranka asxaabta mucaaradka ah iyo xukuumada ee ay ku daaleen, waxaanu si rasmi ah u shaaciyay inay aqbaleen go’gashii madaxweynaha si looga tashado sidii loo fulin lahaa go’aanadii la wada qaatay ee gudida dhexdhexaadintu ay soo saareen. Faysal ayaa markii uu go’aankan ku dhawaaqayay waxa garab taagnaa guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-cirro.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadlay kadib markii isaga iyo masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ay ku kulmeen xarunta xisbiga Ucid, isla markaasna ugu danbayntii uu warbaahinta la hadlay guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay yidhi “ Waxaan iska nahay doqon nasiib badan  oo waxaad moodaa in dhanka wanaaga ay imika arimuu inoogu socdaan, gudidii soo gaadhay xalka iyadana waanu u mahadnaqaynaa,  dawladii aqbashayna waanu u mahadnaqaynaa, dadkii taageerayna waan u mahadnaqaynaa, waa wax lagu faani karo waxay muujisay dhaqankeenii ahaa inaan inagu waxeena dhamaysano, waxa ay guul inoogu tahay iyada oo aanay beeshii caalamku inoo iman  inaan waxeenii dhamaysanay, Somaliland waxay  u baahantahay inay socoto inay horumar keento ayay u baahantahay inay shaqo abuurto ayay u baahan tahay oo dhalinyaradeedii waad ogtihiin niyad jab weyn ayaa ku dhacay,waad ogtihiin Xamar ayay ku dawarsadaan intay xidhaan calankii ina garaacay, waxa ka xumaatay niyadii  shacbigana waad ogtihiin maanta 80% guryaheena wax laguma kariyo dhaqaalahii hoos ayuu u dhacay, meheradii waa ay kaceen maxaa yeelay hadaan wadanku socon oo dawladu shaqayn oo aan gacmaha lays qabsan waa uu istaagayaa, waxa uu dalku ku fiican yahay in mucaarad iyo muxaafidba danta guud laga wada shaqeeyo.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay“ Sidaanu hore idiin sheegnay inaan ogolaanay go’aankii  oo ah furaha  horumarka iyo horusocodka dalkeena, madaxweynuhu  waa kii gogasha sameeyay bisha 14-keedii waataanu nidhi ilaa arintu dhamaato la kulmi mayno, madaxweynuu waxa uu ku celiyay inay go’gashii fidsantahay waxaanuna idiin sheegaynaa inaan  ogolaanay oo aanu doonayno in madaxweynaha aan la kulano oo aan kala hadli doono sidii go’aankaas  la gaadhay ee aan wada ogolaanay sidii loo hirgalin lahaa, shacbiga Somaliland-na waxaanu leenahay markale xaal ayaanu idin siinay ma gaydaan in laysku kiin dul qabsado ma gaydaan in layskula kiin dul meeraysto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here