Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Ugu Baaqay Inay Indho Dheeraad Ah U Yeeshaan Cadow Aanu Magacaabin

0
663

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadgelyada  iyo qaranimada indho dheeraad ahna ku eegaan cadow aanu magacaabin cidda ay yihiin.

Warsaxaafadeed Madaxtooyada ka soo baxay ayaa wuxuu Madaxweynuhu shacabka ku hambalyeeyay sanadka cusub ee hijriyada Islaamka ee 1441. Qoraalka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Islaamka ee 1441-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaan.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taasi la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan beri oo Sabti ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu baaqayaa in ay nabad-gelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan una soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan cadawgooda, shacbi iyo xukuumadna isku duubnaadaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here