Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hoggaan Xumo Ka Jirta Dalku Ay Horseeday In Soomaaliya Sheegato Somaliland

0
773

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sheegay inay Somaliland hayso hoggaan xumo.

Faysal oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in doorashadii u dambaysay ee Somaliland ka dhacday 2017 lagu codeeyay qabyaalad, balse taasi aan waxba laga dheefin dhibaato mooyaane, sidaasi darteed doorashada soo socota loo baahan yahay in la soo doorto Dad ummadda wax u qabta.

Faysal Cali Waraabe oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Berigii dhawayd qabyaalad baa lagu codeeyay, anigu xitaa waxaan u keenay Kitaab aan idhi waan idinku xukumayaa, laakiin ‘Uf’ bay yidhaahdeen, Maanta maxaynu ka macaashnay, waynagaa is wada hiifayna, waynagaa is wada nacnay, wataa wallo-weyn ina sheeganaysa, iyagoon jirin ayay inna sheeganayaan.”

Faysal Cali Waraabe wuxuu eedaymo u jeediyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo dhawaan ka hadlayey Arrinaha Gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland “Maalin dhawayd nin ka hadlayey Sool iyo Sanaag tuulada uu u dhashay ma tagi karo, Wacaysle ayaa la yidhaahda, haddana Sool iyo Sanaag ayuu doonayaan inuu ka taliyo, waxaan ku idhi Orod gurigaaga ka tali.” Ayuu yidhi, waxaan u intaa ku daray “Nimankaa isku duul-duulaya (Soomaaliya) ayaa innaga sheeganaya, sababtu waa hoggaan xumadeena, haddaynu hoggaan leenahay miyey ina sheegan lahaayeen, intaynu iyagana qabano ayaynu Dawlad u dhisi lahayn, Dawlad aynu halkan uga talino ayaynu u dhisi lahayn oo aynu nidhaadhno ‘kaa ka saar..kaa ka saar’, aniga hiigsigaygu inay Aniga ila taliyaan maaha ee inaan anigu xukumo weeyaan.”

Ugu dambayn, Faysal wuxuu sheegay “Dadku ma xuma ee way hoggaan la’ yihiin ee Ilaahay hoggaan wanaagsan ha inna siiyo..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office