Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Diiwaangelinta Muwadinka Ah

0
942

Picture3Hargeysa(Geeska)-Golaha Wasiiradda Somaliland,ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay shalay yeesheen waxay ku ansixiyeen xeerka  diiwaan galinta muwaadinka oo dhawaan dalka ka qabsoomi doonta.

Kulan aan caadi ahayn oo ay shalay yeesheen golaha wasiirada oo uu guddoominayay Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa lagu ansixiyay xeerkaas.

Waxa kulanka iyo ansixintii xeerkaa saxafadda uga  waramay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, “Shirka aan Caadiga ahayn ee la iskugu yimid wuxuu ku saabsanaa Arin aad u muhiim ah oo dedejinteeda iyo hawl fududaynteedu muhiim u noqonayso socodsiinta hawlaha qaranka waliba dhinaca doorashooyinka.kulankaasi maanta waxaa lagu ansixiyay Xeerka Diwaan galinta  Muwaadinka iyo Codbixiyeyaasha. Waa xeer muhiim ah, waa xeer ay ku xidhan tahay Doorashooyinka Dalkan ku soo fool leh inay ku qabsoomaan.Dawladdu iyadoo taas ka diyaar garoobaysa, iyadoo wax kasta oo Doorashada iyo Saaxaddaasi hagaajinaya ku dadaalaysa ayaa xeerkan Shirkaas aan caadiga ahayn loo qabtay Xubnihii Golaha wasiirada ee Shirka fadhiyayna way wada ansixiyeen, sidaasi ayaanu XUkumadda kaga soo gudbay” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada ayaa ka jawaabay Walaacii Mucaaradku ka soo jeediyay qabsoomida doorashada sanadka dambe

“Xukumaddani waxay diyaar u tahay in Doorashadu wakhtigeedii ay dhacdo, xukumaddani way diyaar u tahay wax kasta oo xaggeeda ku xidhan inay diyaariso,Xukumaddu Masuuliyadda qaranka iyadaa haysa.wax kasta oo Qarankeena hagaajinaya, Mushtamaceena wax u qabanaya, Caalamka waxaynu ka doonayna wax ka qabanayaan Xukumaddani iyadaa hormuud ka ah.midakale Cisho dhawayd shir bay qabteen Labada Xisbi Mucaarad iyo Qolo(Madasha wadatashiga) Meelna aan Sharciga kaga jirin, iyaga laftoodu waxay ku wada socdeen kumay haddal ee meeshii ayay macaal Cabdiraxmaan Cirro ku Eedeeyeen..waxa weeye Doorashada in wakhtigeedii la qabtaa waa diyaar, Waxaanu leenahay Doorasho aad Natiijadeeda Ogtihiin waxba ha ku soo degdegina. Arinta Xisbiyada Mucaaradka ahi waxa weeye Kulmiye igu soo daaya ha igu quustee, Kulmiye waa Kulmiye oo waad ogtihiin, waana Kulmiye oo Imikana wax qabtay..waxqabad aan qof kasta oo sida caadiga ah u xisaabiyaa aanu qiyaasi Karin Qabay”