Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Masuulka Uu U Xulay Guddiga Doorashada

0
796

Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa xubin cusub u soo Magacaabay Komiishanka doorashooyinka Qaranka, kaasi oo Xisbiga matalaya.

Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo soo gaadhay Geeska Afrika ayaa lagu sheegay in Mudane Cabdifataax Ibraahim Xasan uu noqon doona xubinta UCID ku matali doonta Komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Wareegtada Magacaabista ku socodsiiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuu Madaxweynaha ka rejaynayo inuu sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay waajibaadkooda sharci uga gutaan oo ay u ansixiyaan.

Wareegtada Guddoomiyaha UCID ayaa u qornayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabista Xubinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga UCIDa

“Mudane Madaxweyne, Anigoo Tix-raacaya warqadda Summaddeedu tahay JSL/XM/KDQ/091/1-485/032020, kuna taariikhaysan 09/03/2020 ee iga soo gaadhay Xafiiska Madaxtooyada, ujeeddadeeduna ahayd soo Magacaabista xubinta Komiishanka doorashooyinka Qaranka ee cusub ku matali doonta Xisbiga UCID.

Sidoo kalena, Tix-raacaya qodobka 13-aad ee xeerka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka Xeer Lr. 20/200, waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa in Mudane Cabdifataax Ibraahim Xasan aan u soo xulay inuu ahaado xubinta Komiishanka doorashooyinka Qaranka ku matali doonta Xisbiga UCID. Sidaa daraadeed waxaan Mudane Madaxweyne kaa rajeynayaa inaad sida ugu dhakhsaha badan ugu gudbiso Golaha Wakiillada JSL, si ay uga gutaan waajibaadkooda Sharci..”

Cabdifataax Ibraahim Xasan ayaa ka mid ahaa Komiishankii hore ee wakhtigu ka dhamaaday, kuwaasi oo haatan lagu heshiiyey inay farsamo ahaan ula shaqeeyaan Komiishanka cusub doorashooyinka Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here