Dhalinyaro Somaliland ka Tahriibay Oo Buux Dhaafiyey Tripoli Iyo Qaylo-dhaanta Xildhibano Ka Tirsan Wakiilada

0
571

Picture2Hargeysa (Geeska) – Magaalooyinka Somaliland oo ay Hargeysa ka mid tahay ayaa aad looga dareemayaa korodhka ku yimid Tahriibka dhalinyarada dhowrkii bilood ee u dambeeyay, waxaana tahriibka dhalinyarada loo aanaynaynaa kooxo isku xidhan oo ka shaqeysta Tahriibinta dhalinyarada Somaliland.

 

Dhalinyarada Tahriibaysa oo u sii jeeda dalalka Yurub isla-markaana sii maraya dalalka Itoobiya iyo Suudaan isla-markaana uga sii gudba dhanka dalka Tripoli, si ay markaa ka dib ugu sii gudbaan dhanka dalka Talyaaniga oo ay Liibiya u dhaxayso bad-weynta midhitareeniyaanka, ayaa dhibaato badan kala kulma jidka u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya.

Dhalinyarada dalka ka tahriibta oo inta badan sabab ka dhiga shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, ayaa korodhkooda aad looga dareemay Magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya, halkaasi oo ay buux dhaafiyeen dhalinyaro aadu badan oo ka kala tagay Magaalooyinka Somaliland, siiba Hargeysa, Burco iyo Borama, sida ay sheegeen Tahriibayaal bishii saddexaad ee sanadkan Hargeysa ka baxay, kuwaasi oo qaarkood naf bixi wayday ku gaadheen Magaalada Tripoli, ka dib markii dhaawacyo ka soo gaadheen gaadhi ay u raaceen Tripoli oo kula qalibmay badhtamaha Saxaraha.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay qorshaynayaan sidii ay halkaasi uga gudbi lahaayeen oo ay doonyo ugu raaci lahaayeen dhanka Talyaaniga, taasi oo khatarteeda leh.

Dhanka kale, Guddoomiyaha guddida arrimaha bulshada Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Axmed kijaandhe iyo Xildhibaan Axmed Ibrahim Daahir (Axmed-Weyne) oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa aad uga dayriyey qulqulka dhalinyarada dalka Tahriibaysa, waxaanu sheegay inay dalka ka dileen kooxo ka shaqeysta Tahriibinta dhalinyarada.

Xildhibaan Kijaandhe oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxa baryahan dambe si xawli ah  u socda dhalinta Tahriibaysa oo soo kordhaysa maalinba maalinta ka dambaysa, waxa abuurmay silsilado qarsoodi ah oo isku xidhan oo qorshaysan oo casriyeysan sida ay u wada shaqeeyaan halkan (Hargyesa) ilaa Liibiya, oo Tahriibiya dhalinyarada.

Waxa imika lagu dhiirigaliyaa dhalinyarada sidii ay u tahriibi lahaayeen, waxa looga sheekeeyaa sheekooyin been ah oo dhalinyaro tahriibtay ku saabsan oo wanaagsan, marka hore dhalinta Tahriibaysa waa la sii Maalgaliyaa, intii sanadkan waxa tahriibay kumanaan dhalinyaro ah oo dumar iyo ragba leh, Tahriibku waa aafo aan indhaha laga qarsan Karin oo isa soo taraya Somaliland, dhalinyaro badan oo dhooftay ayaa meelo dhexda lagu hayaa muddo dheer oo sanado ah oo inay soo noqdaan iyo inay hore u sii socdaan labadaba loo diiday oo jidh dil lagu sameeyaa iyo arimo kale oo bani-aadaminimada ka baxsan oo maskaxda iyo jidhkaba laga naafeeyo.

Haddaba waayo-aragnimada noocaas ah yeynaan ogolaan in ubadkeenu la kulmo haddii aynu nahay Somaliland. Somaliland way dhiig baxaysaa oo xooggii dalka iyo caqligii-baa ka tahriibaya”

Xildhibaan kijaandhe waxa uu diray baaqan qaylo dhaanta ah “Golayaasha sharci dejinta iyo hay’addaha xukuumadda ee arimahani khuseeyaan sida Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, Wasaarada arimaha bulshada iyo wasaarada arimaha gudaha inay si dhakhso ah isugu yimaadaan shir lagaga tashanayo sidii aafadan wax looga qaban lahaa. In Waalidiintu carruurtooda u ogolaan inay Tahriibaan oo ay dhaqdhaqaaqa ubadkooda xog-ogaal  u noqoto oo ay kala taliyaan Tahriibka. Waxa kale oo aan dhalinta u sheegayaa waxa wanaagsan ee Tahriibka looga sheegayaa inay dhammaan tahay been, oo ay dhibaato faro badan oo naafeyn karta jidhkooda iyo maskaxdooda ay la kulmaan dhalinta Tahriibta, wax badan ayaa iska bedalay tahriibkii oo  waa laga diyaar-garoobay oo waxa la sameeyay xerooyin dhexda ah oo lagu haynayo muddo dheer oo loo diidayo qofka inuu dib u soo noqdo iyo inuu hore u socdo. Warbaahinta Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay fidiyaan oo ay dadwaynaha gaadhsiiyaan xaqaa’iqa xun ee khatarta leh ee ka jira tahriibta soo ay isku taxalujiyaan si sidan ka qoto dheer oo ay qoraan wararka dhabta ah ee Tahriibka.”

Xildhibaan Axmed Daahir (Axmed-weyne), oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn uga digay dhibaatada ay tahriibtu ku hayso guud ahaan dalka, waxaanu ku baaqay I la isu geeyo cududa iyo maskaxda si looga hortago aafadaas wadanka ku soo korodhay. “Tahriibku wuxuu marayaa in carruurta la tahriibinayo la weydiiyo inay hooyo leeyihin, waayo hooyadu way ka calool jilicsantahay aabaha oo hadhoow dhaqaale ayay u soo diraysaa.” Ayuu yidhi Axmed-weyne, oo ka hadlaya inay jiraan shabakado si weyn uga ganacsada tahriibinta dadka.