Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwadda Ay Soomaaliya Geysay Golaha Amaanka

46
4370

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay dhawaaqa xukuumada Somaliya ay gaysay golaha amaanka ee qaramada midoobay mid aan wax saamayn ah lahayn.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe sheegay in Somaliland ay haatan waajahayso siyaasada dunida iyada oo leh xulafo iyo cadaw labadaba, waxaanu shaabiga Somaliland u soo jeediyay in la midoobo lana faajignaado.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayay dacwada ay Somaliya ay u gudbisay golaha amaanka  waxa uu yidhi”Dal kasta oo xubin ka ah Qaramada midoobay xaq ayuu u leeyahay in la dhagaysto, waana la dhagaystay ninka halkaas jooga laakiin wax alle iyo waxay raad ku yeelanaysaa arinta Somaliland,Imaaraadka iyo Itoobiya ma jirto, dadka yaan la waalin dawlad awood leh oo shaqaysa maaha, waxay inaga qaadaysaa ma jirto,IGAD ayay geeyeen oo dawladaha jaarkeena ah qaar ka mid ah ayaa ka danbeeyay inay waxaas ku soo daraan, waxaad ogaataan uun in colaad dadka markii hore inoo qarsanaayay ay cadaysteen, in duulimaad laynugu yahay, inaynu maanta dhex galnay tartan siyaasadeed oo dawlado ka dhaxeeya in aynu foojignaano weeye, midnimadeenana ilaalino, oo difaacno xuquuda dalkeena, waxaana laga dhimanayaa horumarka aynu samaynayno, cilaaqaadka aynu dadka la yeelanay iyo xulafada aynu samaysanay oo aduunka inooga dacwoon doonta oo si dhaqso ah inoo ictiraafi doonta, waxaas oo dhami waxay ku xidhantahay midnimadeena, hadaynu tafaraaruq samaynona waa laynaga adkaan, hadaynu mid noqonana cidna inaga adkaan mayso, inagu dulmi ma wadno ee xaq ayaynu ku taaganahay, dalkeena ayaynu horumar u doonaynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here