“Waa Maxay Sicir-bararku?

34
4078

Xildhibaan Siciid Askar 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay sida uu arko Sicir bararka baahsan ee dalka ka jira, waxyaabaha keenay iyo sida lagu xalin karo, waxaanu tilmaamay in Xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo sabab u tahay sicir bararka.

Xildhibaan Cabdiqaadir Askar Xasan, ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyey Wargeyska Geeska Afrika oo uu kaga hadlayo sicir bararka ayaa u dhignaa sidan

“Waa Maxay Sicir-bararku?

-Waa marka ay qaali noqoto ama kor u kacdo qiimaha maciishada oo dhan.

-si kale hadaan u dhigo waa marka mushaharka ama dakhliga qofka bishii suuqa ka gooyo wax ka yar intii uu hore u goyn jirey ee dhinaca Maciishadda

Maxaa Keenay ama Sababey:?

-Daabacadda Lacag cusub oo Sl. Sh. Sannadihii 2013/14/16, taas oo ka badan xaddiga lacagta ee looga baahan yahay wax’kala iibsiga suuqa- monetary policy – isla markaasna Xukuumaddii hore ka dhigtay ama u isticmaashay sida dakhliga cashuurta  oo kale

-Kharash dheraad ah oo Xukuumaddii hore gashay sannadihii 2014/-15/-16

-Musuqmaasuq baahsan oo dhacay 2 sanno ee u danbeeyey, taas oo lacag cash Dollar ah ($135 million) lagaga saaray waddanka, sannadihii 2016 /17, laguna bedeshay Sl.Sh. taas oo uu debedda u xawilay Dahabshil. Sida ka muuqata Xisaabta Baanka Dhexe ay ku leedahay Shirkadda Dahabshiil.

-Isla-xisaabtan la’aan baahsan oo Xukuumaddii hore ka dhacay, iyadoo Hay’adihii Maaliyadda ee ku shaqada lahaa awooddii lagala wareegay; sida Hanti-dhowrihii Guud iyo Xisaabiyihii Guud oo shaqada laga fadhiisiyey, Gudd. Baanka Dhexe oo saddex goor la bedelay, Guddiyadii GW Dhaqaalaha iyo Hantida qaranka oo howshoodii gabay.

Yaa ka masuul ah?

-Xukuumaddii Kulmiye 2013-17; saddexdii Wasiir  ee isaga kala danbeeyey Wasaaradda Maaliyadda

-Golaha Wakildda oo duudub ku ansixiyey Miisaniyadihii Qaranka ee 2013/-14/-15

Raadka ay ka tagtey;

-Hoos-udhaca Qiimaha Sh.SL

-Sicir-bararka qiimaha maciishadda oo dhan

-Mushaharkii askarta iyo shaqaalaha dawladda oo tegay halkii uu ahaa 2010 ee xukuumaddii Dahir Rayaale

Maxaa lagu xakamayn karaa?

-Xukuumadda Cusub waxaa horyaala dhowr qodob;

-Inay Diraasad buuxda samayso muddo 3 bilood ah,

-Inay raadsato la taliyayaal iyo Khubaro dhaqaalayahan ah

-Baanka Dhexe loo sameeyo Board of Directors cusub oo ay ku jiraan khubaro iyo Dhaqaalayahanno

– W/Maliyadda oo lagu xakameeyo Miisaniyad Dheeli-tiran mudo ugu yaraan 3 sano ah

-In laga diktoonaado lacag danbe oo cusub in lasoo daabaco 5-ta sanno ee soo socda

-In suuqa xorta ah ee Sarrifka wax fara-gelin ah Xukuumaddu ku sameyso,

-In si dhakhso ah Xukuumadu uga noqoto go’aamada lagu soo rogey Zaadka iyo E-dahabka,

Golaha Wakiilada

Golaha Wakiilada waxaa ka saaran waajibaad Dastuuri Xaaladdan Dhaqaale ee ka taagan wadanka, waana inuu si deg-deg ah u qaado tallaabooyinkan.

– In Golaha Wakiiladu qaraar kasoo saaro lagu laalayo go’aamadii ay Guddidii Sicir bararka ee Xukuumaddu ka soo saartay Zaadka iyo E-dahabka – lagana dhigaa Null & Void

-Guddi gaar ah uu Golahu u saaro in ay muddo bill gudahood ah kusoo hor-dhigto Golaha Wakiilada warbixin koobaysa tallaabooyinka ugu mihiimsan ee lagu xakamayn karo Sicir-bararka

-In Golaha Wakiiladu dalbado Khubaro iyo La-taliyayaal Dhaqaalayan ah oo muwaadiniin iyo Ajaanib ah

-In Golaha Wakiiladu uu dib-u-eegis ku sameeyo Board of Directors Baanka Dhexe, isla-markaana Golahu hubiyo in xubnahaasi ku jiraan dhaqaale-yahanno, si waafaqsan Xeerka

-In Golaha si deg-deg ah loo soo hordhigo Xeerka Bangiyada Ganacsiga, Xawaaladaha, Lacagta lagu kaydiyo Electronic, si uu uga guto waajibaadkiisa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here