Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Bixitaanka Shirkada Genel Energy Ee Shidaalka Iyo Cashuurta Uu Maamulka Dekeda Berbera Ganacsatada Ku Kordhiyay

0
558

Picture7Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa shirkadaha dalka shidaalka ka sahaminaayay ku tilaamay kuwo suuqa madaw ku socday oo ay xukuumada wada shaqaysanayeen,waxaanu bixitaankooda ku macneeyay mid dalka dan u ah.

Waxa gudoomiye Faysal uu sheegay in dadkii deegaanka oo aan waxba loo sidin la dul geeyayay cagafyo lagana kiciyay dhulkii ay lahaayen,isla markaasna waxii dhaqaale ahaa ee laga helay ay xukuumadu isku koobtay, isagoo intaas raaciyay inaanay wax wax warbixin ah xukuumadu Baarlamaanka ka siinin shirkadahan.

Dhanka kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa u cambaareeyay oo mid sharciga baalmarsan ku tilmaamay cashuurta uu kordhiyay maareeyaha degkeda Berbera. Gudoomiye Faysal waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeysaka Geeska Afrika.

Ugu horayntii gudoomiyaha oo aanu waydiinay bal sida uu u arko shirkadaha shidaalka ee ka baxay gobalada bariga Somaliland waxa uu yidhi  “Shirkadahan baxaaya  marka horeba sida loo maamulay ayaa ahayd wax la tahriibinaayo,sidan ay dawladu u isticmaalayso khayraadkii dalka waxay ina xasuusinaysaa ninkii Sa’iir madaxweynaha ka ahaa ee la sheegi jiray inuu diyaarado ku tahriibin jiray macdanta dalkiisa,waa sidii nin uun xadaaya gurigiisa,markaas waxan oo dhan lahaa suuqa madoow ayay ku socdeen oo golayaashii,umaddii iyo xsbiyadii toona looma sheegin,shirkadaha qandaraasyada qaatay qaar baa hada la sameeyay oo xafiisyaba aan lahayn,umadda Somalilandna waa masaakiintaa aan mudada dheer dhaqaalaha helin oo ay sanqadhii lacagtuna u baxday,waxa la gaadhsiiyay gaadiidkii shirkadu ay kiraysatay in laga badalay oo ay qaar dawladu keensatay markaas dadku waa ay gadoodeen markii ay soo galeen uun cagafyo ee la yidhi ka kaca dhulkaa la baadhayaaaye,markaas nasiib ayaynu leenahay haddii aynaan isku dhacin oo aanay qalalaaso iyo dagaal inagu keenin oo ay sidaas uun inagaga tageen.dawladanina waa wada baayacmushtari ma odhan karno waa dawlad dalkeeda iyo dadkeeda ilaalinaysa.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu intaas ka dib canbaareeyayna cashuurta shacbiga uu ku kordhiyay maareeyaha dekeda Berbera “Waxaanu canbaaraynaynaa cashuurta uu sheegay maareeyaha dekeda Berbera oo ah mid aan soo marin nidaamkii dawladnimo,runtiina tani waxay muujinaysaa uun hoggaan xumada iyo si dhex yaaca dalka ka taagan.”