Faysal Cali Waraabe Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Dirirtu Ku Dhex Martay Sool

0
533

Hargyesa(Geeska)-Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay labada beelood ee walaalaha ah ee ku dagaalamay gobalka Sool inay xaalada dajiyaan, isla markaasna ay ku noqdaan wadada nabada iyo wada noolaanshaha.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe ugu baaqay dadka deegaanka inay wadaadada nabadaynta wada ay gacansiiyaan "Waxa fiican in aan dhiiga dadka laga dhigan salaan kursiga lagu fuulo, dhulkaas waxa dhibta ugu wacan waa dawlad la'aanta meel aan sharci iyo kala danbayn aanay ka jirin ayuu ku bataa dagaalka qabaa’ilku, waxaan leeyahay hala heshiiyo oo caruurtiina halaga naxo, aakhiro qabiilku idiin raaci maayo ee camalkiina ayaa idiin raacaya, waxaanu leenahay arintaas culimada gacanta ku haysa hala taageero, halaga daayo bacaha madmadow ee siyaasadda iyo gacmaha shisheeye."