Guulihii Rayaale Ka Gaadhay Geedisocodka Aqoonsi Raadiska Iyo Gaabiska Maanta Warbixino Geeska Afrika soo ururiyay Q.3aad

0
653

Haddaba, markii ay dawladda Somaliya ee Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha ka ahaa ka qaylisay socdaalkaas madaxweyne Rayaale ee Maraykanka, ee ay dawladii Maraykankuna ka jawaabtay islamarkaana ay sheegtay inaanay waxba iska bedelin mawqifka Maraykanka ee aqoonsiga Somaliland, ayaa waxa Madaxweynihii hore Daahir Rayaale oo markaas Maraykanka joogay la weydiiyay sida uu u arko jawaabta Maraykanka, waxaanu yidhi “Horta marka u horaysa qaddiyadayada ama mid dhaqaale ha noqoto, dhaqaalaha sidii la nooga cawin lahaa, dal dhismaya ayaanu nahay oo nabad sameeyay, oo wax qabsaday sidii lanoo caawin lahaa waanu kala hadalnay Maraykanka iyo Ingiriisba iyo qaddiyadaya oo aanu kala hadalnay, kumana talo gelin marka u horaysaba wixii aanu rabno inaanu helno,  laakiin waxaanu leenahay fariintayadii inaanu gudbinay ayaanu ku qanacsanahay, waanan sugaynaa waxa ka soo baxa mustaqbalka.”

Rayaale, wuxuu sheegay inuu ka sokow jawaabta Maraykanka ku faraxsanyahay inuu farriintii qaddiyadda Somaliland gudbiyay “Farriintayada in si fiican lanoo maqlayna waan kuu sheegayaa, inaanu gudbinayna waan kuu sheegaya, laakiin natiijada wakhtigeeda ayay iman doontaa. Waxaan isleenahay bini-aadamku inuu wada hadlo ayaa muhiim ah, waxyaabo badan ayaa laga yaabaa siday dadka aanu u imanaynaa u haysteen inay ka bedelantahay oo aanu annagu xaqiiqda u sheegno. Waxaanu anigu ku qanacsanahay farriintayadaasi inay gudubtay, wax ka soo baxana mustaqbalka ayaynu sugi doonaa.”

Rayaale oo sharaxaya kulankaas uu la yeeshay Madaxda Maraykanka iyo natiijada uga soo baxday wuxuu yidhi “Kolay waa markii u horaysay ee annagu iyo Maraykanku kulano, marka u horaysayna anigu kuma talo gelin wax kasta oo aan wato inaan markiiba la noqto, laakiin waxaan ahayd baan odhan karaa fikrad bilow bay ahayd imaatinkayagaas aan imid, waxaanan rajaynayaa inaanu imaatinka iyo kulanku intan uun ku dhammaan ee uu sii socon doono, aakhirkana ay ka soo bixi doonaan wax la wada gaadho, laakiin odhan maayo maanta waxaas iyo waxaas ayaan gaadhnay oo aniga laftigaygu kuu sheegi maayo.

Waxa la weydiiyay Madaxweyne Rayaale inuu diyaar u yahay inuu la hadlo dawladda Somaliya, waxaanu si cad ugu jawaabay  “Horta iyagu iyagoo wada hadla oo wax samaysta ayaan jeclaan lahaa oo aan kula talin lahaa, gudahooda ay hagaajiyaan, bal heerka aanu joogno inay soo gaadhaan ayaan kula talin lahaa, niman iyagiiba dabada iska wada qaniinaaya kumaan la hadlaa oo aanu ka wada hadalnaa inay jaar fiican xiitaa noqoto.”