Faysal Cali Waraabe Iyo Aqoonyahanka Reer Awdal Oo Madal Iska Helay

0
754

Borama(Geeska)-Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo aqoonyahanka Reer Borama ayaa Habeen hore Hoolka wayn Ee Saw Hotel Jilbaha is dhigay, waxaana uu halkaasi uu Gudoomiyuhu uga jeediyay Khudbad ku saabsanayd Taarikhdii Siyaasadeed Ee Somalialnd .

Gudoomiyaha ayaa si guud uga warramay Taarikhdii Siyaasadeed ee Dalku soo maray, Isagoo si gaar ah hoosta Uga xariiqay Doorkii Shariifka Ahaa ee Reer Awdal ku lahaayeen Nabadayntii iyo Midnimadii Somaliland .
Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu ku dheeraaday taariikho kala gadisan oo ku tacalluqa Maraaxilkiii kala gaddisana ee Dalku soo maray, isagoo si gaar ah u dul istaagayay Dhacdooyinkii ku lamaanaa taariikhdii Somaliland .

Gudoomiyaha ayaa halkaasi si guud-mar ah uga waramay Siyaasadda Xisbiga UCID ee ku aaddan Saami-qaybsiga, Waxaanu ballan-qaaday in UCID ay dalka ku soo dabaali doonto Cadaalad, Sinnaan, Qabyaalad-La’aan, in qofku ku shaqo-tago Aqoontiisaa, In Bulshadu Hesho adeegyada asaasiga ah oo bilaash ah iwm .
Ugu Danbeen Gudoomiyuhuu wuxuu ku dardaaray Aqoonyahanka Reer Awdal Oo U Badnaa Ardayda Jaamacadaha in ay ka fogaadaan qabyaaladda isla markaana kor u qaadaan Wadaniyaddooda iyo dal-jacaylka Iyo in ay  meel isku mid ah ka istaagaan Danaha Qaranka .
Intaasi ka dib Aqoonyahankii ku sugnaa Madashaas ayaa su’aalo tiro-badan kula booobay Gudoomiyaha, taas oo meelo kala duwan taabanaysay. Gudoomiyaha ayaa Dhamaan su’aalihii ay Aqoonyahanku kula boobeen uga jawaabay.

Kulankan oo ahaa mid aad u qiimo-badnaa ayaa ah mid ugub ku ah Dalka, iyadoo ay adagtahay in Murashaxiinta kale ee ka sharaxan Xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay Aqoonyahan intaas leeg oo Reer Awdal ah uga jawaabaan Su’aaalo ka imanayay quluubtaa Aqoonyahanka Reer Awdal kuwaas oo indho u ah Bulsho saluugsan Saamiga ay ku leeyihiin Dawladda .