Dagaal Wajaale Ku Dhex Maray Hariimacad Iyo Boolis

0
725

Wajaale(Geeska)- Koox Harimacad dagaalansan ah ayaa weerar ku soo qaaday magaalada Wajaale,  waxaanu dhaawacay hal askari oo ka mid ahaa ciidan isku dayaayay inay gacanta ku soo dhigaan.

Ciidamada booliska ee Wajaale ayaa daboolka ka qaaday inay qabteen saddexdaas harimacad mid ka mid ah isla markaasna ay ku dab jiraan labadii kale. Harimacadkan ayaa dhaawacay mid ka mid ah askartii hawlgalka ku jiray.

Waxaana askarigani isaga oo u waramaayay shabakada Gabilay uu ka hadlay dhaawaca soo gaadhay "Dhaawac fudud ayaa isoo gaadhay oo xubin farahayga ka mid ah ayaa maqan oo uu cunay,saddex midh ayay ahaayeen oo xabad ayaa haynaa intii kalena askar ayaa ku maqan, markii aanu qabanay ee lugaha aanu ka xidhnay iyada oo mid kale ah u fayow ayuu I qabsaday isaga oo ka soo baxsaday ninkii madaxa hayay, jeeniga ayuu igu qabtay afkana waa uu I galiyay, xanuunka nin xabadi ay ku dhacday ayuunbay la mid ahayd."

Haramicadka ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ahaa xayawaan la kala iibsado kaas oo dalka dibadiisana loogu dhoofiyo qaab sharci daro ah, halka uu sida oo kale ku nool yahay qaar ka mid ah guryaha magaalada Hargeysa.