Hargeysa(Geeska):-Dood aad u xiiso badan oo hordhaceedii xalay laga sii daayey Talefeeshanka Star, ayaa ay gondaha isku dareen hoggaamiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid, waxaana ay si aada ugaga doodeen xaalada dalku maraayo, doorashooyinka, siyaasada arrimaha dibadda iyo arrimo kale oo aad u xiiso badan.
Doodan oo uu soo qaban-qaabiyey, soona jeedinaayey wariye Xamse Cali Bulbul, ayaa guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) iyo guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ay halkaas isku waydaar-sadeen dood weerar iyo weerar celis ah. Doodan ayuu Telefishanku baahin doonaa caawa 10:00 fiidnimo ee saacadda bariga Afrika.
Eeda dib-u-dhaca doorashada.
"Eeda dib-u-dhaca doorashada, Kow, waxaa iska leh ciddii sharci dejinta innoo haysay oo uu kow ka yahay Cabdiraxmaan Cirro". Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi
Cabdiraxmaan Cirro "Xukuumaddu markii ay aragtay in ay doorashadu soo dhow-dahay ayey haambireega u xidhay, carqalado badan ayey bilowday, xeerkii diiwaan-gelinta ee Komishanku sameeyey ayey tuurtay". Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Xaalada Somaliland
"Maanta walaahi maalin aynu ka liidanaa ma jirto, 23sanno ayaan Somaliland ilaalinaayoo, maanta maalin aan uga baqo badanahay in aanay jirin.". Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
"Abtigay Faysal waxaan leeyahay bal qabow uun sheeg, dhaliilaha badan iyo rejo la'aanta uu muujiyey anigu lama qabo".Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
" Xukuumaddu malaha waxaa ay ugu talo gashay in ay dalka mugdi galiso". Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
26ka Juun
"Bal 26ka Juun marka ay gaadho 27juun, haddii intaas aynu xal heli wayno, bal car waa kaas ee Kulmiye ha sii fadhiyo, haddii intaas aanan wada fadhiisan oo wakhti aanu wada goosanay aan la gaadhin, bal car waa kaas ee ha fadhiyo, Bal cida laga xoog badan yahay ee dhagaha laga furaysanaayo ha la arko" Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe
"26ka Juun khayr baa dhacaaya insha Allaahu innaga oo isku mid ah ayaana aynu dabaal degaynaa.".Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Muddo Kordhinta Guurtida.
"Guurtidu waa ay noo yeedhay, waxaa aan annagu ku nidhi waxaanu waafaqsanahay wakhtigii Komishanka, Ucid sidaas ayey ku tidhi, Komishanku sidaas ayuu ku yidhi, Kulmiyana waxa aad doontaan sameeya ayuu ku yidhi, markaa tii Kulmiye ayey raaceen horta". Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.
" Maalintii uu Cabdiraxmaan naga cadhooday waxaa aan isku haysanay, waar arrintaas aynu Guurtida ka qeyb-galino inta aynaan arrinkaas dibadda u soo saarin, Hawl-galka ninka looga baahan yahay ee laga rabo in uu Guurtida qanciyaa waa adiga(Cabdiraxmaan Cirro)".
"Waxaan annagu leenahay Saleebaana waa Kulmiye e' bal Kulmiye dib ha isagu noqdo oo ha isa soo saxo". Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.