Maayarkii Borama Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Is Casilay

0
783

Picture4

Hargeysa(Geeska):-Fadhi ay subaxnimaddii shalay isagu yimaadeen xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada Boorama, ayaa ay xilkii Maayirnimo kaga qaadeen guddoomiyahii Golaha Deegaanka ee degmada Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi, iyada oo sida oo kalena isla goobtaasi uu isku casilay guddoomiye xigeenkii Golahaasi Md.Maxamed Muxumed Faarax, iyaga oo sida oo kalena halkaas ku doortay Maayir iyo Maayir ku xigeen cusub. Fadhigan oo uu shir-guddoominaayey badhasaabka gobalka Awdal Md.Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa waxaa ka soo xaadiray 19xildhibaan, waxaana guddoomiye Ramaax uu ugu horeyn halkaas xildhibaanada ka hor akhriyey magacyada warqad ay ku saxeexnaayeen xildhibaanada soo jeediyey maashinka xil-ka-qaadista ah iyo sida oo kale Laba waraaqood oo ka soo baxay xafiiskiisa iyo wasaarada arrimaha gudaha Somaliland oo oggalaanshiiyo siinaya in ay xildhibaanada Golaha Deegaanka degmada Boorama ay qabsan karaan fadhigooda ay xilka kaga qaadayaan Maayirka Boorama oo muddooyinkii u danbeeyey ay eedo aad u badan u soo jeedinayeen. Intaas ka dib waxaa la gudo galay cod u qaadista xildhibaanada ogal in xilka laga qaado Maayir Boorama Md.Saleebaan Xasan Xaddi, iyada oo halkaas ay cod aqlabiyad ah  gacanta ugu taageen 18xildhibaan oo oggalaaday in xilka Maayirnimo laga qaado Maayirkii hore ee Boorama, waxaana aan codeyn guddoomiye ku xigeenka golahaasi oo isagu halkaas isku casilay. Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boorama ayaa ugu danbeyntii halkaas Maayirk magaalada Boorama waxaa ay ugu doorteen Md.Maxamed Xasan Maydhane, halka ay Maayir xigeena ugu cumaamadeen in uu noqdo Md.Cumar Illeeye Jaamac.