Fayraska ‘Corona’ Oo Noqonaya Jilaaga Filim Ay Dhowaan Soo Saari Doonto Shirkadda Hollywood

0
573

Fayraska Corona waxa uu noqon doonaa jilaa filim la filayo in uu noqon doono filim xiise geliya guud ahaan dadkaadduunka, maadaama oo dhacdooyinka uu ka warramayo. Gaar ahaan bandooga adduunka saameeyey ee qof kasta oo maskaxdiisu wax kala garanaysaa uu u soo joogay.

Shirkadda filimada ee Hollywood ayaa lagu wadaa in ay dhowaan soo saari doonto filimkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ka warramaya fayraska Karoona iyo sida uu gacanta ugu dhigay nolosha aadamaha.

Filim soosaaraha caanka ah ee Michael Bay ayaa xaqiijiyey in 20-kii bishii May uu magaalada Los Angeles ka bilaabatay shaqada duubista filimkii ugu horreeyey ee ka warramaya bandooga uu sababay xanuunka COVID-19.

Filimkan oo uu isku dubaridkiisa iyo qoraalkiisaba leeyahay Adam Mason ayaa waxoogaa caqabado ah kala kulmaya habdhaqanka cusu bee Coronavirus soo rogay oo ay ka mid tahay in aan meel dad badani isugu iman iyo in la kala durko, waxa se ay soo-saarayaashu ku dadaalayaan in uu muddo macquul ah ku dhammaystirmo iyada oo la dhawrayo xeerarka cusub ee xanuunku sababay.

Soosaarista filimka cusub ee Michael Bay ayaa lagu tilmaamay mid loo samaynayo hab aan hore u jirin, isaga oo noqon doona hawlaha u horreeya ee ka soo baxa Hollywood oo hadda uun si tallaabo tallaabo ah hawlaheeda u bilaabi doonta.