Waa dhab, waxa uu ahaa saban ay qun isu taagtay kartida aadamuhu gaar ahaan tii maskaxeed. Waa xili aqoonta iyo garashada aadamuhu noqdeen minqiyaaska qudha ee lagu cutiyo ama lagu miisaamo qaybaha nolosha xeesha dheer ee aadamaha. Waa amin la garawsaday awood badnida maskaxda aadamaha.isba wuu ogaa Immanuel Kant (mufakarkii ama faylasuufkii reer jarmal)in saban ku ka tilmaaman yahay guyaashii hore markii uu ku hilaadiyay ee uu sanadadaa ku suntaday SABANKII IFTIIMINTA “Enlightenment period”. Haa, deedafayn maayo oo meesha ka saari maayo anigu in caqliga iyo garashaddii aadamaha ee la bilkeeday waagaasi ay saamayn togan oo lama ilaawaanna ku yeelatay guudahaan geedisocodkii nololeed ee aadamaha. Waa arin muujinaysa awood badnaanta maskaxeed ee bani aadamka. Moogan waxaa la xaqiijiyay guul laba dhudood ah—in aadamaha loo sahamiyo nolol raad qabow iyo in si dhaw wax looga ogaado dhismaha kakan ee aadamaha iyo kownkan aynu ku noolnahay
.
Wakhtigan waxaa lagu guulaystay adeegsiga maskaxda muga way nee dadka, xoriyadda maddaxbaanida dadka, xoriyadda cabirka fikirka qofka, fiddinta cilmiga, kor u qaadka farsamadda, baaddidoonka aqoonta iyo waxbarashadda aasaasiga ah, lafagurka doodaha aqoonneed, dhawrida xuquuqda dadka, tayaynta nidaamka qaanuunka iyo sharciga, suullinta kaligiitaliyaha iyo abuurista siyaasad ku dhisan rabitaanka waddarta shacbiga ‘’democracy’’, habaynta ganacsiga iyo dhaqaalaha, dhuuxidda suugaanta iyo farshaxanka, barashadda gedda kownka iyo aadamaha, abuurista iskaashiga aadamah, baahidda daryeelka caafimaadka dadka iyo guudahaan gurmadkii laga galay samabixinta noloshii tawsta iyo tabaalaha badnayd ee ka jirtay guud ahaan ba dunidan aynu ku noolnahay. Waa arimo dhamaantood si mugleh wax uga taray qaxarkii iyo qallalaasihii ku lamaannaa nolosha reer bani aadam.
Inkastoo sabankan iftiimintu ’Enlightenment period’’uu ahaa mid khayr baddan u lahaa dadyowgii xiligaa iyo jiilashii ka dabeeyay ba, haddanna waxaan shaki ku jirin in uu ahaa xili garashadii iyo aqoontii koobnayd ee aadamaha la majaro habaabiyay aadamuhunna is bidday awood iyo garasho aanu sed u lahayn. Reer galbeedka oo kacdoonkan gadhwadeen ka ahaa waxay mufakarkoodii iyo aqoonyahankoodii ba door mooddeen in aqoontii koobnayd ee ay daallacdeen ku gudbaan oo ku qariyaan xaqa iyo awoodda rabiga lahaanshaha kawnkani u dhawrsoonaatay ee ‘’ALLAH’’. Fakarkoodii iyo curintoodii heerka saraysay halkay uga gurman lahayd dadyowgii aqoon la’aanta la asqoobay waxay gawrac ugu jiiday oo meesha ka saartay awooddii rabaaniga ahayd ee kawnkan ka talinaysay. Kas iyo kamma kay doonto ha ahaatee waxay la yimaadeen afkaar ka hor imanaysa noloshii ay yaqaaneen dadka ku noolaa aduunku, taas oo ahayd ku noolow nolol cadaysimo ka ah diin.
Waagan waxaa la abayay fikirka manta sii xoogaysanaya ee ah in diinta iyo nolosha la kala ilaaliyo oo laka lafogeeyo mararka qaarna la gaadhsiiyo in lagu doodi karayo in waxa diin loogu yeedhaa dhamaanteed tahay khuraafaad aan wax ka jirin. In tii hogaanka u qabatay fikirkani waxay ku doodeen in diintu gaagixinayso maskaxda iyo muruqa dihin ee aadamaha. Sidaa awgeedna in aan nolol horleh la abuuri Karin, ka hor intaan la goyn dabbarka ay diintu ku xidhay awoodda curinneed ee maskaxda aadamaha.
Haddaba waxaa is waydiin muddan, diintu ma carqallad dhab ah oo ku gudban baa awoodda curinta maskaxda aadamaha ama in uu aadamuhu ku talaabsado horumar uu ka sameeyo hab-nololeedkiisa iyo guud ahaan ba kownkan uu ku noolyahay? Waxaa suuragal ah in dadka qaar markii ba la soo booddaan ‘’haayoo, carqalad bay ku tahoo, diinta iyo nolosha aadamah ee isbadalka badani isalam saan qaadi karaan’’. Dadka noocan u hadli karaa waxa ay inta badan daliil ka dhigtaan wixii ka dabeeyay cahdigii madoobaa ‘’the Dark Age’’, waa markii dadku ka baadiyoobeen diintee, uu is badal nololeed oo la taaban karo oo aadamuhu markii hore tahli kari waayay in uu ku talaabsaday oo uu gaadhay, markii diinta iyo nolosha la kala qaaday ee laga xoroobay kiniisadihii. Xaqiiqaduse waxa ay tahay in aan diinta iyo noloshu ay yihiin laba shay oo aan sinnaba u kala maarmi Karin; dadka qaar waxaabay gaadhsiiyaan in diintu dihatay nolosha wanaagsan.
Wixii ka horeeyay imaashihii nabi Ciise naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ahaatee, dadkii ku noolaa dhulka hadda loo yaqaan Greek ga iyo hareeraha badda Mediterranean ka waxa ay ahaayeen dad bilaadiin awgeed la is leeyahay oo ay dadku ahaayeen hanti nin leeyahay oo uu sida uu raba uga faa’iidaysto. Hadba ninkii awood is bida ayaa arliga ku qooqayay mararka qaarna ilaahnimo lagu tuhmayay.ma jirin fikir nolol san abuuraya iyo nidaam xukun oo wakhtigaa wax tar u lahaa dadyowgii uunaa. Iyadoo xaal sidaa u murugsanaa hadda horusocodka dabiiciga ah ee nolosha aadamuhu waa uu socday; waxa aynu tusaale ka dhigan karnaa kacdoonkii aqooneed ee Plato iyo Aristotle kii Giriiga oo ka dab-qaadanayay kuwii ka horeeyay ee Mosobataamiya ‘’mesopotamia’’ iyo faraaciyiinta ‘’Pharaoh’’. Dadku iyaga oo ku nool nollol xanaf badan ayaa Nabi Ciise iyo diinta kiristiyaanatigu timid. Kadib markaas ayay dadku haakah yidhaahdeen oo suunka dabciyeen. Markan waxaa hoos u dhacay aqoonlaantii dadka,adeegsigii khuraafaadka iyo ashkhaastii (boqoraddii iyo kaligood taliyayaashii) cabudhinayay fikirka san iyo halabuurkii tolmoonaa ee maskaxda bani’aadamka .
Markii diinta kiristanku hanaqaaday ee ay arligii ku fiday waxay sahan u noqotay nollol midi hore ee diin la’aanta dhaanta. Is-xukun san iyo aqoonsiga awoodaha iyo sharafta aadamaha ayaa heersare gaadhay. Is adoonsigii iyo cabsidii ay bani’aadanku dhexdooda isku hayeen amase ay ku hayeen dhirta,xayawaanka, dhulka iyo guudahaan deegaanka ku gadaaman ayaa hoos u dhacay. Hadaba sidaa waxay ku hantidday waa diinta kiristanka’e iyo sheekheedii ‘’Pope’’ugu sareeyayba taageero aan xad lahayn iyo kalgacal ay u qaadeen dadkii waagaasi.
Haddaba u dambayn, iyadoo xaal sidaa yahay oo noloshii aadamuhu ka soo raynayso ayay wax dhaceen! Wixii dhacay wuxuu ahaa in dad gaar ah khaasatan culimadii ugu saraysay macbadka diinta kiristanku ay diintii iyo risaaladii ba la mareen meelo jaan iyo halkuu dookhoodu calmaday. Judhiiba waxay si aan sax ahayn u raadiyeen awood dhaafsiisan tii ay xaq ahaan u siisay diintii nabi ciise; u hogaansankii laxaadka lahayd ee bulshooyinkii wakhtigaasi waxay gayaysiisay in ay nimankii culimadda ka ahaa kiniisaduhu iska dhaadhiciyaan in ay bani’aadamka sharfan sidii ay doonaan ka yeeli karaan xukun ahaan iyo mabda’a ahaan. Sidookale ay uga fududahay beer bislaaday kala goyntii in ay hantaan quluubta dadka caadiga ah iyagoo ugu gabanaya xilka diimeed ee ay hayaan ee ah culimadda kiniisada.
Rafiiq ku sidkan hogaamiyaashii u haraadanaa xukunka siyaasiga ah ha ahaadeen bortooyooyinkii, imbaraadooriyoyinkii iyo hogaamiyaashii garmaqaatayaasha ahaa ee kale ayay isu-rogeen oo noqdeen. Kadib iyagoo u feejigan ilaashiga shakhsiga ah ee awooda xukunka siyaasiga ah ee dadka waxa ay si toos ah ugu xad-gudbeen nuxurkii diiniga ahaa ee diintii ay rumeeyeen. Iyaga oo u jeedo siyaasi ah leh ayay si ay u hantaan qulluubta dadka ay culimadda ugu yihiin diinta, isu-tuseen sidii dad gaar ah oo ka wakiil ah xaga rabiga leh lahaansha kawnka. Qaarna kuba sikteen in ay sheegtaan awooda rabaaniga ah ee jirta!Marka ay sidaa isu dhigayaan waxa ay si dadban u raaligalinayeen raga adeegsanayay ee danahoodu ahaa kaliya ilaashiga awooda xukunka siyaasadda. Way isku badhxameen hogaamiyihii siyaasadda ee awood-raadiska ahaa iyo sheekhii kiniisadu.Tani waxa ay keentay in uu macno beelo taageeridii kiiniisada iyo culimadii joogayba; Kadibana uu abuurmo kala shaki bulshadii iyo kiniisadihii waayo dadku wixii socday kama ay dhex arkayn danihii ay lahaayeen iyo ujeeddadii saldhiga u ahayd diinta ay qaateen.
Wax kasta oo aan ahayn aragtidda iyo ficilka kiniisadda waa waxba kama jiraan ayay ku dhiiradeen in ay yidhaahdaan culimadii markaa awood-doonka ahayd ee kiniisaduhu. Hayeeshee, si ka duwan nuxurka diintii ciise sidaa ma ahayn; aadamuhu isaga xor u ahaa kasbashadda iyo manaafacaadsiga cilmiga maadiga ah iyo kan ruuxiga ah ba.aragtiddaa guracan ee kiniisadu waxa ay si daallacan ah uga hortimid hal-abuurkii maskaxeeda iyo hawlkarnidamdii dadka.sidaa awgeed, anigu waxa aan qabaa in nuxurka diinta kiristanka ee wakhtigaasi aanay ka hor iman oo aanay gaagixin curintii iyo higsigii haboonaa ee bani’aadamka. Lakiin cida sida tooska ah uga hortimid ee damisay ilayskii aqooneed iyo xadaaradeed ee bani’aadanka wakhtigaa waxay ahayd ashkhaastii damaca waallanni hogaaminnayay ee ku tashatay in dhamaan inta awood aduun ee jirtaa ay iyaga xagooda ku gororto oo ku idlaato.Waa taa cidda sabannadii xigay la iska xoreeyay ee laga adkaaday. Waa waddaadkaa u xuubsiibtay waliilka munaafaq ah. Tirtirridoodii ayaa sahan u ahayd hanaqaadka awooddaha maskaxeed iyo muruqeed ee dahsoon ee bani’aadamka.Marna ma ay ahayn nuxurka diimeed iyo ujeeddada caqiido ee aduunka alle u soo saaray waxa laga xoroobay ee ku gudbanayd dardarta maskaxeed iyo muruqeed bani’aadamka si loo hiigsaddo nollol ayotiin wanaagsan oo u qallanta aadamaha sharfan ee alle abuuray.Waxaa dhab ah in bulshadii waagaa noollayd ay dad magac diimeed sitaa u bahalo geliyeen macaanka ay u leedahay bani'aadamka ku dhaqanka diintu.
Ilyaas Cabdi Carte.
Bangkok,Thailand.