HRC Miyay Burburtay?

0
855

322Farsoomaali du way da’yar tahay kolka loo eegi afaf ka kale ee leh far la qoro. Sidaa oo ay tahay,  waxay u baahan tahay in maskax iyo muruq ba la geliyo—lagu qoro aqoon ta faraha badan ee dunida ceegaag ta iyo weliba suugaan iyo dhaqan ka Soomaaliyeed ee maalin ba maalin ta ka danbaysa sii lumaya. Ka sokow baahidaa loo qabo badbaadin ta farsoomaaliga waxaa lagama maarmaan ah in dad ku eray ga dhigan jeclaadaan, buug ta akhriyaan, qaar kalena af kooda ku qoraan. Ilaa waagii la qoray far ta Soomaaliga intii ka dambaysay ololihii lagu faafiyay farta iyo hab qoraal keeda, lama samayn olole kale oo lagu dhiirigeliyo in far tan lagu qoro aqoon ta casriga ah iyo suugaan ta ba. Horumar kii ugu weynnaa ee ay samaysay na waxa uu ahaa kolkii manhaj kii dugsiyada lagu dhigay ee lagu bartay. Haddana soomaalida oo bulsho ahaan ku caano maashay inay afka iskaga sheegaan wixii ay isku gudbinnayaan ma sahlanna in la dhadhansiiyo erayga qoran iyo qiimihiisa. Taasina saamayn bay ku yeelatay in far tu sii xoog badnaan waydo oo buug badanna lagu qori waayo. Far kasta oo qoranni waxay horumartay kolkii wax lagu dhigay, waxna lagu akhristay.

Dhaqan ka akhris ku aad buu inoogu yaraa ilaa haddana inoogu yaryahay, taasaanna loo aannayn karaa in wax qoris tuna innagu yaraato. Qof ka wax akhriyaa waxa uu ka dheefaa buug ta aqoon sare iyo koboc maskaxeed.

Deeqsinimo ka weynni  ma jirto in qof uu buug ku soo akhriyo af kale ama af kiisa  ba oo wakhti geliyo faham ka buuggaasi; isla markaa dad ka la qaybsado oo la wadaaggo wixii uu ka korodhsaday buuggaasi.

Sannad kii 2006 waxaa ka curtay Hargeysa koox buug ta jecel oo dhexdooda ku haasaawa aragtiyaha ay xambaarsannaayeen buug tii ay akhriyeen toddobaad kaa ama bishaasi. Waxay wada qaadan jireen wakhti wanaagsan oo ay ku falanqeeyaan qoraayo cusub, buug cusub iyo aragiyaha kala duwan ee qorayaashu marar ka qaarkood ay ku kala tagaan iyaga oo wax ka qoraya mawdduucyo isku mid ah.

Markii danbe na kooxdanni waxay la yimaaddeen deeqsinimo tii ugu sarraysay. Waxaannay go’aan ku gaadheen in ay fekraddaa soo badndhigga buug ta iyo horumarin ta dhaqan ka akhris ka ee iyaga ku koobnaa ay soo hor dhigaan bulshadoodii.  HRC(Hargeisa Readers Club) ama Naadiga Akhristayaasha Hargeysa waa fekraddii ugu cuslays ka iyo saamayn ta ba badnayd ee ka dhalatay Somaliland intii waddan ka dib lagu soo noqday.  Xitaa jaamacadaha sida hudheelada waddan ka uga furanni may lahayn barnaamijyo lagu tayeeyo akhris ka iyo qoraal ka.

Habeen dhoweyd ayaan daawaday caways ay soo agaasimeen koox la yidhaahdo “Hiil Qalin”. Caways maaweelo iyo kala faa’iidaysi ba leh ayuu ahaa. Mawdduucyada lagu caweeyay waxaa ka mid ahaa “HRC iyo sababihii ay u burburtay”. Su’aashaasi iyo jawaabihii laga bixiyay ba way ila cusllaadeen. Is wayddiin ta su’aashaasi iyo erayada loo xushay ba waxay igu baraarujiyeen in aragtidii ay HRC  soo xambaartay ee dad ka dhex keen tay aan aad weli loo fahmin. Su’aasha waxa loo xushay eray ga ‘‘burbur’’.  Golaha su’aashan la isku wayddiinayay na waxa uu ahaa gole aan ka shakisan ahay haddaan feker kaasi curteen waa hore in aannu isna jireen. Waa hubaal in wax waliba meel ka soo bilaabmaan. HRC may keenin shay burbrurayay oo ay tahay in la  baadi doono dambaskiisii iyo hadhaagiisii;waxay keentay arag ti ku baaqaysay in buugga la jeclaado, jacayl kaanna dad ka kale lala wadaago oo lala qaybsado.  Waa dhaqan baxsan oo ka heer sareeya wacyi kasta oo ay qabyaalad iyo siyaasadi ka buuxdo.

HRC may ahayn dukaan timir ta lagu iibiyo oo boodh HRC ku dhigan tahay ka lusho, oo kolkii wax ba laga iibsan waayay xidhmay!, may ahayn urur siyaasadeed afkaar tii sii shaqayn weyday oo burburay, aqal gaboobay oo dabayluhu ruxayaan oo aan dib loogu aayaynna may ahayn: HRC waxay ahayd dhaqdhaqaaq ay ka dambaysay fekrad ahayd in erayga dhigan akhriskiisa kor loo qaado, in buugga iyo qof kii akhriyi lahaa la is gaadhsiiyo oo la is jeclaysiiyo,  in golayaasha qabyaalada iyo siyaasadda ama madadaalada aan waxba laga dheefin lagu beddelo gole, la iskuguyimaado oo faa’iido faraqyada laga buuxsado. Ugu dambayn ujeedada ka dambaysay HRC waxay ahayd in kolka bulshada lagu dhex abuuro dhaqan akhris,  qalin ka iyo qoraal kuna ku xigo. Distoor ka koox daa la baxday HRC waxa ugu qornaa hiigsi sidan u dhigan:

‘‘HRC waxay u taagan tahay quweynta iyo kobcinta akhris ka iyo qoraal ka bulshada Somaliland iyada oo loo sii marayo goleyaal lagu soo bandhigayo akhris iyo qoraal, golayaal la iskugu yimaado oo lagu gorfeeyo buug ta, abuuris ta maktabado wax lagu akhristo, gardaadin ta buug ta cusub ee soo baxda, iyo barnaamijyo laga sii daayo TV-yada iyo idaacadaha oo ku saabsan hourmarin ta eray ga dhigan iyo qalin ka’’.  Kolka aad akhrido hadaf ka ay HRC xariiqatay qof kii maan ku u saamaxaa wuxuu arkayaa heer ka garaad ka siday fekraddanni inta uu le’eg kaa iyo sida uu han sare u lahaa.

Kolka ay bulshooyin ku korayaan waxay la kulmaan aragtiyo iyo fikraddo ku soo kordha habnololeed kii hore ee aannay ka qaloon jirin. Qalo ayaa ku dhacda  kolka danbe, waxaannay in badan ku saxdaan isbeddelada kala duwan ee dhaca.

Curashada fekrad cusub guusheeda iyo guul darradeedu kuma xidhna qof kii hindisay oo weligii xafiis soo dhex fadhiya.  Guusha  ugu weyn ee arag ti cusub laga gaadhi karaa waxay tahay in dhadhan ka aragtidaasi  sii jiro, raandhiis yeesho oo la isku dhiibdhiibo, oo mar ba kooxi xambaarto oo fidiso, waxtar keedana la manaafacaadsado.

Hindisahaa hiil ka u ahaa aqoon ta iyo erayga dhiganni maanta meel walba wuu ka iftiimayaa. Magacaad doonto la bax meeshaad doonto ka joog dhul ka Soomaalidu degto haddii aad buug iyo qalin hadal hayso waxaad tahay qurub ka falliidhmay HRC. Qof ka raadinnaya HRC na ha eego naadiyada iyo ururada hadh iyo habeen buugga iyo qalin ka heegan ka u ah ee u halggamaya in la horumariyo af keenna iyo dhaqan ka akhris ka buuggaag ta.

Imisa naadi akhris ayaa laga hirgeliyay dhul ka ay Soomaalidu degto iyo meelo ka baxsan ba; sida UK iyo Sweden; ka dib intii ay curatay aragtidaa ay HRC soo bilowday,  imisa buug oo farsoomaali ku qoran ayaa la qoray oo la daabacay, kacdoon kaa ay HRC hoggaaminaysay kadib?  Nin kan xayraansan ee HRC xafiis soo fadhida deydeyayaa muu fahmin aragtida uu xambaarsannaa naadigii ugu horreeyay ee Hargeysa laga aasaasay—HRC.

Qorista afkeenna iyo horumarinta farteennu ba waxa ay u baahantahay feker ka sareeya in la daydayo bandhigyadii buug ta ee HRC oo lagu maago ‘’xafiis maydaan furan…buugtii na ma soo ban dhigtaan’’. Habeen walba buug baa Hargeysa lagu daahfuraa ama lagu soo bandhigaa, jacayl ka buuggu haddii uu dhab yahay waddan kii waxaa ka qabsooma golayaal buugga iyo qalin ka loo goleeyo oo lala sheekaysto. Qof kii dani ka haysaa mar ba mid ha mulacyeeyo oo ha ku raaxasyto guulahaasi, ha amaahdo buugaag ta, ha akhristo hana la wadaago jacayl ka buugga dhallinyarda kale ee buug ta jecel.  HRC waxay muddo yar ku gaadhay hadaf kii ay xariiqatay. Ujeedada ugu weynni waxay ahayd in la abuuro jawi  iyo deegaan buugga iyo qalin ku ay qayb ka noqdaan nolosha da’yarta qaadka iyo qabyaalada lagu qaybiyay. Kolka aad dib u eegto 2006 in tii kadanbaysay miyaan ilays kii HRC daar tay iftiin kiisii ina wada gaadhin?

Ugu dambayn burbur kii waddan kii Soomaaliya la odhan jiray ka dhacay ka dib, baahiyaha ugu waaweyn ee lagama maarmaan ka ah in laga soo kabto waxaa ka mid ah in la badbaadiyo farta iyo qoris teeda, dhaqan akhris na la abuuro si wacyi ga ummaddu kor ugu kaco oo ay uga gudbaan dabanniada qabyaalada iyo garaad ka madhan ee qof keliyi dhegta wax ugu sheegayo. Naadiyada wakhtiyadan dambe sida aad ka ah u korayaa waxay ubaahan yihiin in ay fahmaan xil kaasi qaadis tiisu in ay ka shishayso in habeenba qol weyn lagu caweeyo, oo aayar la kala dareero.  Haddaan la garanayn buugga la akhriyayo ujeedada laga leeyahay iyo waxa uu dad ka u kordhin karo in la akhriyo ma aha!. Haddii wax kasta la akhriyo oo la soo bandhiganna naadi buug noqon maayo, wuxuu noqon doonaa gole madadaalo oo aan waxba laga faa’idin. Xulashada buug ta, iyo ra’yiga ay xambaarsan yihiin lagama maarmaan bay ka tahay qiimaha bandhiggu yeelanayo iyo faa’iidada sidoo kale uu naadigu u yeelanayo bulshada. Waa kaa jid kii HRC.

Mustafa A Nuur

manmustafa@gmail.com