Fasiraada Siyaasadeed Ee Isku-Shaandhaynta Madaxwayne Biixi Ku Sameeyey Golihiisa Wasiirada Todobaadkan

0
201
Isku-shaandhayntii Madaxwaynahu ma noqon doonta mid ka jawaabta Caqabadaha siyaasadeed, Aminga iyo dhaqaale?

Hargeysa(geeska) Xukuumadda Madaxwayne Biixi ayaa Mudooyinkii u dambyey la tacaalaysay khilaaf siyaasadeed, Dagaalada gobolka sool, sixir bararka, hoos u dhaca dhaqaale iyo colaadaha wali ka socda gobolka sool, kuwaas oo aan Wali xal laga gaadhin. Ka dib dagaaladii ka dhacay gobolka Sool ee u dhaxeeyey maleeshiyaadka Isbahaystay ee huwanta iyo Ciidadnka Qaranka, kuwaas oo ku dhamaatay in xukuumadii Somaliland iyo Ciidankii qaranku ay oog yimadaan.   Khasaaraha Ciidanka qaranka iyo Wixii ka dhacay 25 ogoosto ayaa inta badan loo sibir saarayaa kartida siyaasadeed ee Golaha xukuumada, taas oo ku guul-daraysatay in ay la timaado hal-abuur siyaasadeed iyo Maarayn, guulna ka soo hayso Caqabadaha wadanka ka jira. Madaxwaynaha Jamhuurida Somaliland ayaa Bulshadu ka filaysay in uu ka jawaabo fashilka siyaasadeed iyo amni ee ka jira gobolka sool, taas oo ay laf-dhabar u yihiin golahiisa xukuumada.  Dadka siyaasada Falanqeeya, ayaa aaminsan in ka soo bixidda gobolka sool iyo jabkii ciidanka qaranka ay ahayd in Badi Golaha Wasiirada iyo Hogaamada ciidamadda wax-laga Badalo, waxayna ay tilmaameen in Golaha xukuumadu yahay waxa kaliya ee laga arki karo wanaaga iyo guul-daradda Wadanka.  Siyaasiga Abdiqadir Jirde oo ah siyaasi ruuq-cadayaa, horena qaranka xilalka kala duwan uga soo qabtay, Xubin Barlamaan, Gudoomiye Ku-xigeen Golaha wakiilada, hadana ka tirsan Xisbiyada mucaaridka ayaa dhawaan waraysi uu kula hadlay warbaahinta ka hadlay arimaha Xaalada Somaliland. Siyaasi Cabdiqadir jirde oo ka hadlaya arimaha Gobolka sool iyo Jabkii Ciidanka qaranka ayaa tilmaamay in Dalka lagu soo duulay, markaana ay tahay in Madaxwaynahu kulan qaran isugu yeedho, taladana xukuumada kaliya ayna ku filayn oo si qaran looga wada-tashado. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ay u baahan yihiin in la dhiso, hogaamadana wax-laga badalo, sidoo kalen hub-casriya Ciidanka qaranku helo.  Sidaa awgeed, Madaxwaynaha Jahmuurida Somaliland ayaa tan iyo Dhacdadii 25 Ogoosto ka dib sameeyey isku shaandhayntii ugu waynayd, taaas oo ka koobnayd 4 Wasiir oo cusub iyo 4 wasaardo kale loo badalay. Bulshada Somaland ayaa iswaydinaya isku-shaandhaynta Madaxwaynahu Sameeyey ma noqon doonta mid ka jawaabta Caqabadaha siyaasadeed Aminga iyo dhaqaale ee hada jirta?  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne xilka kaga qaaday xubno ka mida Golihiisa Wasiirada. Sidoo kale Madaxwaynaha wuxu isku-bedal  ku sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo loo wareejiyey Wasaarado kale.  Xubnaha Golaha wasiirada ee Xilka Beneeyey ayaa kala ahaa; Cabdiqaadir Iimaan Warsame; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha. Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil; Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani; Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.  Madaxwayne Biixi ayaa sidoo kale isku-badal ku sameeyey wasiirada kala ah; Cali Xasan Maxamed Jaamac; loona badalay Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo noqday Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax; Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud; Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Dhankale, Madaxwayanah Jamhuurida Somaliland ayaa xubno cusub ku soo badalay wasiiradii xilka baneeyey, kuwaas oo isugu jira kuwo hore xilal kala duwan hore u soo qabtay iyo qaar saaxada siyaasada ku cusub. Xubnaha wasiirada cusub ayaa kala ahaa Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni; Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud; Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka. Axmed Maxamed Habbane; Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.   Isku-badalka wasiirada wasaaradaha Warfaafinta iyo Biyaha aya u muuqda mid xiligan siyaasad ahaan ku haboon. Wasiir Cali Mareexaan ayaa dhawaan Dawlada Somaaliya iyo Xasan Sh. Maxamuud si adag ula hadlay, kaas sheegay in ay dab-ku si shidayso xaalada Laascanood iyo Khaatumo. Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Sh.Maxamuud iyo Xukuumadiisu ay ku jirto laba-gardaaaq, dhagaxna laba shimbirood ku wada dilayso. Hadalka Wasiir Mareexaan oo Bulshada inta badani u arkaysay mid xiligiisa ku haboon jawaabna u noqon karaya ficilada xasan sheikh, ayaa loo badinayaa in ay keentay keenista Xaga Wasaarada Warfaafinta.  Magacaabista Xubnaha cusub ee golaha wasiirada ayaa dad badani u dhag-taagayaan kartidooda siyaasadeed iyo hal-abuurnimo, taas oo jawaab u noqon doonta wixii Bulshadu ka filaysay. Xubnahan waxa ka mida, Saleebaan Cawad Cali Bukhaari oo hore xukuumadan  uga tirsana, ahaan jirayna  Gudoomiyihii Hay’adda Caymiska qaranka. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni; Af-hayeenkii Xisbiga kulmiye, kaas oo aan xil heer wasiirnomo hore u soo qaban. Wasiir Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud ooh ore u soo noqday xubin komishan Dooroshooyin. Halka Axmed Maxamed Habbane iyo Axmed Yuusuf Idiris Cawaale ay ku cusub yihiin Saaxada siyaasada.  Ugu dambayn, Waxa hadal hayn iyo Falaqyn ka imanaysaa Tayada isku-shaandhayn ee Madaxwaynuhu samayeyey, taas oo siyaabo kala duwan looga fal-celinaayo. Dadka qaar baa aaminsan in xiligan ayna haboonayn in isku Shaandhayn la sameeyo, halka dhanka kalena dad badani qabaan, in ay muhiim tahay Madaxwaynuhu sameeyo isku-shaandhayn golahiisa wasiirada oo intan ka balaadhan, gaadhsiisana ilaa taliyaasha Ciidamada. Sidoo kale, waxa Iyana Meesha ku jirta in Madaxwaynuhu taxadar dheraada ku sameeyo Xibnihiisa uu magacaabanyo, Madaaama lagu jiro xili xasaasi ah, qarankuna u baahan yahay dad Samata-bixiya