Farriin Barkulannada Bulshada Lagu Baahiyo Ayaa Dunida Wax Ka Beddeli Karta: ‘Soomaaliyeey Bishaarayso’

0
560

Kuweyt (Geeska)- Dad badan ayaa dhayalsada saamaynta ay yeelan karaan farriimaha lagu baahiyo barkulannada bulshada ee internet ka, laakiin waxaa laga yaabaa in uu fikirkoodaasi is beddelo haddii ay dhugtaan qisaska laga sheego saamynta ay farriimo lagu baahiyey barkulannada bulshadu ku yeesheen dunida, ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshadaba leh.

Soomaaliyaay Bishaarayso:

Barkulannada bulsho ee internet ka siyaabaha kale ee looga faa’idaysan karo waxaa ka mid ah caawimada dadka baahan. In baraha bulshadu ku xidhiidhaa arrintaas gacan ka geysan karaanna waxaa tusaale dhow inoogu filan, ol’alaha ay dhowaan hay’adda samofalka ‘Alcawn Al-Mubaashar’ ee dalka Kuweyt ay lacagta ugu ururinaysay caawimada dadka Soomaalida ee ay abaaruhu tabaaleeyeen.

Hay’addan oo ka shaqaysa mashaariicda horumarinta ee qaaradda Afrika ayaa 29kii Bishii Maarij 2017-ka waxa ay ku dhawaaqday ol’ole ay ugu magac dartay, ‘Bishaarayso Soomaaliyaa’ oo dadka laga codsanayo in ay qaadhaan qof kastaa waxa uu awoodo ah u baaheeyaan Soomaalida. Mashruucan ayaa ku guulaystay in muddo 12 saac gudaheed ah uu ururiyo lacag dhan 8.1 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Sidee ay ku dhacday?

Hay’adda oo adeegsanaysa koox dhalinyarada caanka ah ee dalka Kuweyt ka mid ah ayaa boggeeda Twitter ka ku faafisay farriinta ah, “Barakooba umaddii bani’aadamnimadaay, #Bishaarayso Soomaaliyaay” kadib Koox dhalinyarada ah ayaa mar keliya saacad go’an iyo astaan go’an iyaga oo adeegsanaya waxa ay ku dhawaaqeen qaddarka lacageed ee uu mid kasta oo ka mid ahi ku darsanayo qaadhaankan, si ay ugu soo dhiirradaan bulshada kale.

Muddo gaaban gudaheed dadka ol’olahan ka qayb qaatay waxa ay gaadheen 7 Milyan oo ruux, waxa aanay 12 kii saacadood ee u horreeyey ururiyeen lacag gaadhaysa 8.1 Milyan oo doolar. Waa astaan muujinaysa awoodda ay baraha bulshadu leeyihiin iyo sida looga faa’idaysan karo marka dhinaca samaanta laga galo.