Farmaajo Oo Sheegay Inuu Doonayo In La Bilabo Wada Hadaladii Iyo Siysaasiyiinta Somaliland Ka Soo Jeeda Ee Muqdisho Jooga Oo Aaminsan Inuu Isagu Burburiyay Wada Hadalada

25
3125

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhawr goor ku celceliyay inuu diyaar u yahay in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimid. Laakiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka Soomaaliya, ayaa aaminsan inuu Farmaajo burburiyay wada hadaladii u socday Hargeysa iyo Muqdisho.

Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ka hadlay xaflad ay dadka Soomaaliya ugu dabaal degeen 1 Julay, ayaa wuxuu sheegay inuu doonayo in la bilaabo wada hadaladii, “Waxaan doonayaa” ayuu yidhi Farmaajo “Inaan si xaqiiqo ah oo dhab ah isku horfadhiisano oo aan u wada hadalno, dawladayda waxa ka go’an in si kasta oo ay ku qanci karto Somaliland ay samayso, waxaanan soo celinayaa wada hadaladii” sidaas ayuu yidhi Farmaajo.

Maxamed Cumar Carte

Hase yeeshee Ra’iisulwasaare ku xigeenkii hore ee Somaliya xildhibaan Maxamed Cumar Carte,  oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a Somaliweyn ayaa xukuumada Somaliya ee haatan ku eedeeyay inay mijo xaabisay wada-hadaladii Somaliland Somaliya, waxaanu yidhi “Dawladdi rasmiga ahayd ee 2012kii loo dhisay Soomaaliya waxa ay wada-hadal la bilowday Somaliland. Waxayna heshiis January 18 2014kii, ku kala saxeexdeen magaalada Istanbul. Heshiiskaas oo qeexayey in la sii wado wada-hadalada lagana dheeraado waxa kasta oo abuuri kara khilaaf. Isla markaana aan la siyaasadeen barnaamijyada horrumaineed iyo kuwa bani-adaamnimoba.”

Isagoo Maxamed Cumar Carte, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Soomaaliya ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here