Faraqa U Dhexeeya Baananka Ganacsi Ee Ribada Iyo Islaamiga Iyo Nooca Bangi Ee Somaliland U Baahan Tahay Axmed Ismaaciil Cabdi .. BBA (Finance), M.Sc. (Banking), CIFP (Islamic Finance). ahmedxaaji@gmail.com

0
1406

Hordhac:

xeerka

Waxa dooddiisu taagan tahay xeerka muranka dhaliyay ee Baananka Ganacsiga oo haatan horyaala Golaha Wakiilada. Dhinacyada sida weyn isugu maandhaafsan waxa kamid ah Xildhibaanada Wakiilada dhexdooda, Culimada oo diidmo qayaxan kala hortimid, iyo dad badan oo aqoonyahan ah oo diidmo kala duwan uga hadley. Hadaba waxaynu si kooban isu dul taagi doonaa waa maxay Xeerkan Baananka Ganacsigu, doodan xamaasada dhalisay halkay salka ku hayso, iyo shaqada Baananka Ganacsiga Islaamigu.

Waxaynu is dul taagi guud ahaan waxyaabaha asaasiga ah ee Bankiyada Islaamiga ah (Fundamentals of Islamic Banking ). Inaga oo dib u dhigan doona qaybta Farsamada iyo qaabka uu u shaqeeyo (Technicalities) maadaama Somaliland  aanay Bankiyadu wali si fiican uga shaqayn oo laga yaabo dadka caadiga ahi inay fahmi waayaan dooda xeerkani waxay tahay.

Xeerka Baananka Ganacsiga:

Inkasta oo Xeerkan oo dhamaystiran anan arag, hadana waxaa siyaabo kala duwan loogu baahiyay warbaahinta kala duwan. Xeerkani wuxuu ogolaanayaa inay dalka ka furmaan Bankiyo ganacsi oo ganacsatada Maxaliga ah usuuro galinaya inay Dunida kula xidhiidhaan oo iyaga oo dalka jooga aduunka meel walba ay alaabtooda uga soo dajisan karaan iyagoon wax lacag ah bixinin bilawga hore (LC- Letter of Credit).

Waxa kale oo Xeerkani suurtogalinayaa in dalka ay yimaadaan Bankiyo Caalami ah oo Maalgashi Dalka Kusameeya. Waxa kale oo Xeerkani Jidaynayaa in Baanankaas Ganacsigu Dulsaar Ribo ah ku shaynayaan, Isla markaana lacagta ay ka ganacsan karaan.

Dooda Golaha Wakiilada:

Xildhibaanada Golaha Wakiiladu dood kadib waxay ku kala qaybsameen soo jeedintii gudida loo saarey Xeerkan. Ma jiro Xildhibaan diidan In dalka Bankiyo Ganacsi ka furmaane waxay isku khilaafsan yihiin nooca uu noqonayo Xeerkan Bankiyada Ganacsigu.

Xildhibaanada Badankooda ayaa qaba in Xeerkan la waafajiyo Shuruucda Bankiyada Ganacsiga Ee Islaamiga ah. Halka Xildhibaano kale na qabaan inaan Xeerkan loo eegin nooca Baanka Ganacsi ee mar hadii Faa’iido Maalgashi oo dibadeed iyo mid gudeed ba ku jirto sidiisa lagusii daayo. Waxay na Xildhibaanadaas doodoodu fadhidaa in hadii Xeerkan lahor istaago ay lamid tahay in dalka horumarkiisii la diidan yahay.

Xildhibaanada daadifeeyay Xeerkan ee Raba in Baananka Ganacsiga Islaamiga ah Laga dhigaa waxay talooyin kala duwan kasoo qaateen Inta badan Culimada dalka ugu tunka weyn oo si adag uga horyimid Xeerkan Baananka Ganacsiga ee aan Waafaqsanayn ka Baananka Ganacsiga Islaamiga ah.

Dareenka Shacabka:

Waxaad moodaa in dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen dooda Xeerkan oo buuq faro badan dhaliyay. Dadku nin ba siday ula muuqatey ayuu usoo bandhigay intii fikirkooda ka dhiibatey. Waxay na u qaybsameen laba kooxood oo mid na dhabarka saarey Culimada, mid na taageeray Xildhibaanada Xusul duubka ugu jira ansixinta Xeerkan.

Shacabka badankiisu waxaad moodaa inay ku dhago barjoobeen doodan maadaama ayna waayo arag u ahayn badankoodu sida ay u shaqeeyaan bankiyada ganacsiga ee xeerkooda laga doodayaa. Waxa Iyana dareenka shacabka qaarkood ka muuqata sas ay ka qabaan dooda wadaada (Wadadphopia) oo ay u arkaan niman laftoodu saamilay ka ah shirkado dalka kuyaal oo ka cabsi qaba ansixinta xeerkan.

Diidmada Culimada:

Culimada Ugu waaweyn ee Somaliland waxay diidmadooda sharcigan Horyaala Golaha Wakiilada u cuskadeen Shareecada Islaamka. Waxay soo qaateen qaar kamid ah Qodobada Xeerkan oo si cad uga hor imanaya Qawaaniinta Bankiyada Islaamiga ah sida Qodobada 10aad iyo 13aad Oo tilmaamaya in Dulsaar lagu soo celinayo lacagta laga qaadan doono Bankiyada Ganacsiga, iyo In waxyaabaha ay Bankiyada Ganancsigu ka Ganacsanayaan ay ku jirto lacag, halkii ay Bankiyada Islaamka ka ganacsiga lacagtu (loans) Xaaraan ka ahayd, taas badalkeeda Bankiyada Islaamku alaabta ka ganacsadaan (Real Assets). Culimadu waxay sheegeen in Xeerkani Jidaynayo Ribada oo Diinteenu Xaaraantimaysay.

Doorka Aqoonyahanka:

Waxa waajib ah in dadka aqoonta u leh arimahani si dagan oo maslaxad Ummadeed iyo mid Diimeed ba kujirto uga hadlaan Xeerkan. Ugu horeyn aynu eegno maxay ku kala duwan yihiin Baananka Ganacsiga Islaamiga ah iyo kuwa Ribada Ku shaqeeyaa. Faraqa ugu weyn ee u dhexeeyaa waa Sharciyadda ay ku shaqeeyaan, balse maaha kala saraynta qiimaha ay ku shaqeeyaan iyo kala hoosayntooda.

1. Bankiyada Ganacsiga Ee Islaamiga:

Si kooban hadaynu tilmaano Bankiyada Islaamiga ah waxa saldhig u ah shareecada Islaamka siiba qaybeeda Loo yaqaan Fiq Mu’amalat oo ah qaybta Maaliyadda ee Shareecada Islaamka. Waxay gabi ahaanba meesha ka saarayaan waxa loo yaqaan Ribada ama Dulsaarka (Interest). Waxay Mabnuucayaan lacagaha amaahda ah ee Bankiyadu bixiyaan si maalgashi macaamiishiisu ugu samaystaan. Taas badalkeeda waxay jidaynayaan in Bankiyada Islaamiga ahi kushaqeeyaan u adeegida Macaamiishooda iyaga oo adeegsanaya heshiisyada Murabaha (Cost +Profit) oo ah nooc Bankiga Islaamiga ahi usoo iibiyo Macmiishiisa, tusaale ahaan Guriga ay Rabaan, dabadeed na macaash go’an ku darsanayo Bankigu. Heshiiska noocan waa ka ugu dhaliisha badan siday u isticmaalaan qaar kamid ah Bankiyada Islaamiga ee ku shaqeeya. Ilaa heer lagaadhsiiyo albaabka dambe ee Ribada (Backdoor of Riba). Dhibtu heshiiska maaha ee waa ku dhaqanka shuruudaha heshiisku tilmaamo.

Mudarabah oo Iyana ah nooc heshiis dhex mara Bankiga iyo Macmiilka oo bankigu lacagta keeno, macmiilku na Khibrad ganacsi lamiyaado oo ay ganacsi ku wada furantaan, iyaga oo wixii faaiido ahna saami ay ku heshiiyeen ku qaysanaya. Musharakah Iyana waa nooc heshiis kale oo Bankiga iyo macmiilku isku darsanayaan hanti si ay ganacsi uwada furtaan, iyaga oo khasaare iyo faaiida ba qaybsanaya. Waxa kale oo jira noocyo tiro badan oo bankiyada iyo macaamiishiisu uwada ganacsadaan oo ay kamid yihiin Ijarah, Muajjal, Salam, Wakalah,Kafalah, iwm.

Waxa Xusid mudan in Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ahi ay wadamada Islaamka oo dhan ka shaqeeyaan. Halka ay badankooda Wadamada Reer Galbeedka ee Yurub, Asia Iyo Afrika qaybo kamid ah na ka shaqeeyaan. Balse dalka Maraykanka ayaanu wali Bank Islaami ahi ka jirin marka laga reebo shirkada LA Riba American Home Financing oo Qoomiyadaha Islaamka ee Maraykanka u suurto galiya inay qaab Islaami ah ku iibsan karaan guryahooda, gawaadhiga, iyo Ganacsiga yar yar ba.

2. Bankiyada Ganacsiga Ee Ribada:

Bankiyaga aan Islamiga ahayn ee Aduunku (Conventional Banking) badankoodu waxay ku shaqeeyaan Ribada loo yaqaan Dulsaarka. Waxay na gabi ahaanba kafuran yihiin dunida Islaamka marka laga reebo wadamada Iraan iyo Suudaan oo ay ka shaqeeyaan Bankiyada Isaamiga ah oo kaliya. Waxay ka ganacsadaan lacagaha ay amaahiyaan macaamiishooda oo kusoo celiya dulsaar xadidan iyo mid furanba.

3. Banka Ganacsi ee Somaliland u Baahan tahay:

Jamhuuriyadda Somaliland oo dadkeedu 100% Muslim Sunni ah yihiin waxay ka duwan tahay dalal badan oo dadkoodu isugu jiraan Gaalo iyo Islaam. Taasi oo sababtey inay iska ag furnaadaan noocyo kala duwan oo bankiyo ahi. Halka dalal Islaam ahina ay u qaateen Bankiyada Ribada ah xilli hore oo aanu xoog lahayn Bankiyada Islaamku ama aanu Jirinba. Waxa kale oo Iyana jira wadamo badan oo Islaam ah oo si ay usoo jiitaan Bankiyo aan lahayn qaybo Islami ah u badheeday Inay nidaamka Bankgi ee Ribada ku shaqeeyaan, iyaga oo indhaha ka laliyay waxay shareecada Islaamku kaqabto.

Maanta Somaliland mar hadii Bankiyada Islaamku meel walba aduunka ku yaalaan, Bankiyada Ganacsiga ee reer Galbeedka ee Ribada Ku shaqeeyaa na badankoodu Leeyihiin laamo ku shaqeeya Bankiyada Islaamiga ah, isla markaana baahi kasta oo Somaliland looga baahan yahay ay Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ahi qaban karayaan oo aduunka meel walba macaamiishu kula xidhiidhi karto, su’aashu waxay tahay maxaa looga baahan yahay Bankiyada Ganacsiga ee Ribada ku Shaqeeya?

Jawaabta oo koobani waa waxba. Baahi kasta oo Shacabka Somaliland u baahin yihiin iyo mid kale oo ay Bankiyada reer Galbeedku uga baahan yihiin Somaliland ba waxa daboolaya Xeerka Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ah.

Dadka ku doodaya aduunyada ayuu inagu xidhayaa xeerkani, mana jiro dariiq kale hadii ladiido xeerkan, doodoodu waa mid aan meel adag haysan. Doodooda markaad u kuurgasho waxa kuu soo baxaysa in aanay war buuxa ka hayn qaabka Bankiyada Islaamku u shaqeeyaan iyo in aanay ogayn bankiyada ugu waaweyn ee reer galbeedku inay leeyihiin laamo ku shaqeeya Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ah sida Bankiga Ingiriiska ee Standard Chartered qaybtiisa Saddiq, HSBC Qaybtiisa Amanah, iyo City Group qaybtiisa Islamiga, iyo qaar kale oo tiro badan.

4. Ujeedooyinka Qarsoon Iyo Qaylada Xeerkan :

Dadka sida dhow ula socda doodaha xeerkani waxay tilmaamayaan in baroortu orgiga ka weyn tahay. Waxa muuqanaysa in dadka ku dhaggan in xeerkan sidaas lagu ansixiyaa tilmaayaan in dooda wadaadadu aanay madax banaanayn oo qaar kamid ah culimada xeerkan ka horyimid saamiyo ku leeyihiin qaar kamid ah Bankiyada ku shaqeeya Islaamiga ee Jamhuuriyada Somaliland ka jira (conflict of interest). Bankiyadaas oo bulshadu kaga cabanayso qiime sare oo ay dadka ugu adeegaan. Waxa kale oo dooda dadkaasi dhinac kale salka kaga haysaa Wadaadada Xeerkan diiday oo ay u tirinayaa Kooxo gaar ah oo siyaabo kala duwan isugu xidhan. Iyaga oo arimahaas iyo kuwo kale oo badan qaar na kor ugu dhawaaqaya, qaar na dareenkooda laga dheehan karo.

Inkasta oo la odhan karo doodaha dadkan qaarkood waa kuwo loo garaabi karo sida in ay jiri karaan culimo saami ku leh Bankiyada jira qaarkood, hadana taasi maaha mid dariiq u furi karta in afka loo dhigto Ribo ilaahay (sw) inaga xarimay. Sidoo kale dooda odhanaysa “ Mar hadii uu qaali yahay mararka qaarkood qiimaha ay ku shaqeeyaan Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ahi waxba kama duwan kuwa Ribada”. Iyana waa dood kale oo aan lagu banaysan Karin Ribo Allah inooga digay. Waxaa se looga garaabi karaa in dhaliilo badani ku gadaaman yihiin qaabka ay qaar kamid ah Bankiyada Ganacsiga Islaamiga ahi ugu shaqeeyaan Macaamiishooda. Laakiin dhaliiluhu gufayn bay ubaahan yihiine, uma baahna in lagu banaysto dariiq inaga xidhan oo xaaraan ah.

Talo Soo jeedin:

Nasteexada ugu horeysa ee aynu soo jeedinaynaa waxay tahay in ugu horeyn Xeerkan Golaha Wakiiladu Kaabis iyo wax ka badal ku sameeyaan, soona waafajiyaan Xeerka ganacsiga Baannaka Islaamka, mar hadii qodobo Xeerka ka mid ahi si cad uga hor imanayaan Shareecada Islaamka.

Waxa kale oo aynu meesha ka saaraynaa dooda ah mar haduu xeerkani aduunkii inagu xidhayo aynu Ribada indhaha ka qarsano. Waxaynu bayaaminaynaa in Bankiyada Ganacsiga ee Islaamiga ahi aduunyada Bari iyo Galbeed ba ka furan yihiin, isla markaa na dhamaan baahiyihii ganacsi ee aynu aduunka uga baahnayn aynu ka helayno. Waxa kale oo aynu soo jeedinaynaa in talada loo badsado dooda xeerkan oo bulshada qaybaheeda kala duwana laga qayb galiyo.

Ugu dambayntii, arin kasta oo Bulshada si toos ah u taabanaya, dhibteeda waxa lagaga bixi karaa isla markaana dheefteeda laheli karaa iyada oo loola noqdo cidda kolba Cilmiga u leh Mawduuca laga hadlayo oo aynaan ka wada talin balse taladeena kawada dhiibano. Sidaa darteed waxaan ku talin lahaa in aan la gees marin talooyinka Culimada iyo dadka aqoonta u leh Cilmiga Bankiyada.

Allaa Mahad Leh