Hargeysa Nin Geya Ha Loo Guuriyo

0
369

W/Q: Kamaal Marjaan

Hargeysa waa magaalo ay deggen yihiin dad lagu qiyaaso in ay ka badan yihiin 1.2 Milyan oo ruux. Waxaa ka mid ah tobannaan kun oo dadka goballada kale ee Somaliland iyo xitaa Soomaaliya ka yimi ah, kuwaas oo ganacsi, shaqaalenimo ama xoogsiyo kale u deggen iyo shisheeye u badan Itoobiyaan, Yemen, Suuriyaan, Eeshiyaan, Kenyaan iyo jinsiyado kale oo mihnado iyo xirfado kala duwan kaga shaqaysta ama qaxoontinimo ku jooga. Sida oo kalana waxa ay il dhaqaale u tahay muwaadiniin badan oo duleedkeeda ka keena dhuxusha, caanaha, khudradda iwm.

In kasta oo ay tahay magaalo cimiladeeda, dabeecaddeeda iyo dadkeeduba martisoor fiican iyo soo dhoweyn leeyihiin, nasiibdarro abidkeed ma ay helin u hagarbixii ay mudnayd. Maamulkii gumaystaha Ingiriis muddadii uu joogayna ma uu yeelin sida gumaysteyaashii kale ee meelo badan oo Afrika ah joogay oo iyagu horumariyey kaabayaasha dhaqaale iyo nolosha magaalooyinka waaweyn. Kama uu hirgelin wax raad horumar ah oo aan ahayn guryo kooban oo uu hay’adaha maamulka u dhistay.

Gobannimadii kaddib, dawladihii rayidka ahaa muddadii koobnayd ee ay jireen waxba kuma ay soo kordhin Hargeysa. Dawladdii kacaankuna cagta hoosteeda ayaa ay gelisay; daaro dhaadheer in laga dhiso waa ay mamnuucday, biyo ku filan ma’ay gelin, warshad koronto oo tayo leh ma ay keenin, gaadiidka dadweynaha ee muwaadiniintu la soo degayaan si ay ugu shaqaystaan waa ay xadidday, xitaa talefishanka dawladda ee Muqdisho laga daawan jiray ma ay soo gaadhsiin. Taasi waxa ay sababtay 21 kii sano ee ay askartu xukunka haysay in uu abuurmay niyadjab sababay in Hargeysa dadkeedii inta gudaha dalka ku hadhay ay Muqdisho u yaacaan, ganacsiyo iyo guryo qiimo badan ayaanay ka dhisteen. Ugu dambayntiina 1988 kii ayaa uu kacaankii diyaarado iyo madaafiicda goobta u adeegsaday in uu dhulka la simo gebi ahaanba wixii yaraa ee ay dadku yabyabteen, isaga oo ugu gabbanaya la dagaalanka jabhaddii SNM.

Mar kale Hargeysa intii ay Somaliland caasimadda u noqotay, xukuumadihii soo maray midkoodna lagama arag indho dan ka leh horumarinteeda, intii dambana xitaa dadka rayidka ah ee wax ku soo kordhinaya ayaaba marar badan cashuuro xad dhaaf ah iyo habraacyada xafiisyada dawladda hoose ee aan dhammaan awgeed u niyadjabayey. Heerka horumar ee ay maanta joogto, quruxda iyo ballaadhashada xad dhaafka ahina waxa ay ku yimaaddeen shacabka oo aan ka daalin in ay dhistaan caasimaddooda, balse weli wixii ay dawlad ka filaysay waa ay u dhitinaysaa

Maayerro awood badan oo dawladda Dhexe soo magacaabi jirtay ayaa 11 sano mid kastaa keegga intiisa badan goosanayey, Hargeysana cad quudheed u tuurayey. Waa sababta keentay in halyeeyo loo arko maayerro qabtay wax aanay sakaaro ka biiqsan.

Laba gole deegaan oo intii 2002 ka dambaysay soo maray Hargeysa, iyaguna hambadii keegga waa ay wada cuneen, haba sii darnaado midka hadda xilku ka dhammaaday ee. Magaalo aan biyo lahayn, jidad lahayn, laydh qiimo jaban lahayn, gaadiid dadweyne oo nidaamsan lahayn, guryaha si habaqle ah meel kasta looga taago oo hadba jid soo afgooya ama dooxo dhex dega, suuqyo caafimaad darrada ka jirta aan loo dulqaadan karin oo cuntada lagu dhex iibinayo, xashiish meel kasta dhooban, jidad bilaa laydhadh ah, waxa ay ugu dareen baacsigoodii dhulka danta guud oo sababay in magaaladu si aan cilmiyeysnayn afarta koone mid kasta tobannaan kiiloo mitir ka fidday, iyada oo jagooyinkii guduhu wada bannaan yihiin.

Waxaa ka sii daran cashuuro boqol magac leh oo maatadii dusha laga saaray, iyada oo wiilashii ay Hargeysa talada u dooratay aanay ka xishoonayn in dadkaas xashiishka dhex fadhiya iyo jidadkaas boholuhu ka dhex samaysmeen, ay gaadiid 70 kun oo doolar ka qaalisan hadba dhan ugu dhex mushaaxaan.

Hadal iyo dan, kuwaasi tage haatan oo waxba kuma sii tigaalayo. Waxa se ay su’aashu tahay maantaba curaddada ay caleemo saartay ma u dhaami doonaan kuwaas, mise waxa ay noqon doonaan madalootiyo, dhul fidinta macno darrada ah ee magaalada uun sii wada si ay dan guud u helaan, xashiishkana u yaqaanna ubaxa Hargeysa.

Dadka reer Hargeysa 17 nin ayaa ay u soo doorteen in ay Hargeysa hiil u noqdaan, laakiin cidda awoodda u leh soo xulidda ama soo bandhigista duqa ka soo baxaya ayaa ay masuuliyadda koowaad ka saaran tahay in ay mar uun Hargeysa ugu tudhaan in ay u soo xulaan Maayer abaalkeeda in uun celiya, ‘Hargeysa nin geya ha loo guuriyo’