Fadeexado Musuqmaasuq Oo Madaxweyne Xasan Sheekh Ka Soo Waajahay Guddomiyihii Baankiisa Oo Is Casishay Iyo Xogaha Ay Fashilisay

45
620

loHargeysa(Geeska/FT)-Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Somaliya Marwo Yusur Abraar, oo dhawaan iska casishay xilkaas oo uu Madaxweynaha Somaliya uu u magacaabay 7, toddobaad ka hor ayaa banaanka soo dhigtay fadeexadaha sababay is casilaadeeda.

Yusur oo ah aqoonyahanad xilal sare ka soo qabatay Baanka Citbank ee caalamiga ah una dhalatay Somaliland, gaar ahaan gobalka Awdal, waxa ay xilka iska casishay iyadoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaanay Xasan Sheekh Maxamuud u soo dirtay dhambaal ay ku sheegtay sababaha iscasilaadeeda, waxaanay cadaysay musuqmaasuq ka jira dawladda Somaliya. Dhambaalka ay u dirtay Madaxweynaha Somaliya oo uu arkay Wargeyska caalamiga ah ee Financial times, waxa ku sheegtay in shaqadeeda lagu hayay farogelin. “Ilaa markii la I magacaabay, waxa si xidhiidh ah la iiga codsanayay inaan heshiisyo ogolaado oo aan jebiyo awoodayda wakaaladeeda ee aan u hayo dadka Somalida ee ah madaxa hay’adda lacagta Somaliya.” Ayay ku tidhi qoraalka ay Madaxweynaha u dirtay.

Heshiiskan ay diiday  ayaa ah mid ay dawladda Somaliya la gashay shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Shulman Rogers, taas oo doonaysa inay soo wareejiso lacagta Somaliya kaga xayiran baananka adduunka, ka dibna ay ku wareejiso dawladda Somaliya. “Waxay khatar gelinayeen lacagaha dibadda ku xayiran, waxaanay albaabka u furayaan musuqmaasuq.” Ayay ku tidhi qoraalkeeda is casilaadda ah, waxaanay ku doodaysaa in lacagtaas si toos ah loogu shubo baanka dhexe ee Somaliya balse aan loo gacan gelin shirkadaas.

Waxa ay Yusur Abraaar, ka dacwootay in farogelin lagu hayay hawlaheeda shaqo ee ah madaxa baanka Somaliya, “Nasiib darro, baanka dhexe looma ogolaan inuu shaqooyinkiisa guto iyadoon la farogelinayn, noocan oo kalena uguma shaqayn karo hay’ad la aamini  karo.”

Shirkadan Shulman Rogers oo ah hay’ad Maraykan ah, ayuu sidoo kale Xasan Sheekh dhawaan u kiraystay inay ka difaacdo fadeexado musuqmaasuq oo ay guddiga qaramada midoobay ee UN Monitoring group ku eedeeyeen, “Waxaan si cad u diidanahay inaan ogolaado heshiiskaas.” Ayay ku tidhi qoraalkeeda. Shirkadan Shulman Rogers ayaa waxay qandaraas hoose arrintan u sii siisay shirkad kale, waxaanay  UN Monitoring group ku eedeeyeen inay warbixinteedu ahayd mid dacaayad ah.

Mid ka mid ah deeqbixiyayaasha taageera Somaliya ayaa Wargeyska Financial times u sheegay inay Yusur Abraar u baqatay nafteeda iskuna aamini kariweyday Somaliya, una carartay Imaaraadka Carabta ka dib markii ay cadaadisyo Muqdisho ka fuuleen.

Qoraalkan ay iscasilaadeeda ku cadaysay Yusur Abraar ee gaadhay warbaahinta caalamiga ahi, wuxuu fadeexad ku yahay dawladda Xasan Sheekh oo ay cadaatay inay ku dhex jirto musuqmaasuq baaxad leh, waxaanay meesha ka saari doontaa kalsoonidii ay beesha caalamku ku qabtay dawladiisa. Yusur, ayaa ahayd wejiga wanaagsan ee dhinaca xisaabaadka iyo maamulka lacagta ee uu Xasan Sheekh horgeeyay shirkii bishii September dawladiisa lacagta loogu ururiyay dhaqaalaha, kaas oo lagu qabtay wadanka Beljamka.

Comments are closed.