Fadeexada Caashaq Ee Galaafatay Agaasimihii Guud Ee Sirdoonka Dalka Maraykanka CIA

0
705

suaaarWashington (Geeska)- Taliyihii waaxda sirdoonka dalka Maraykanka ee CIA David Petraeus ayaa jimcihii dorraad iska casilay xilka agaasimaha CIA da kadib markii ay ku soo baxday fadeexadda ah in uu xidhiidh jacayl ka dhexeeyey gabadh aan xaaskiisa ahayn. Wargeyska caanka ah ee New York Times ayaa sabtidii shalay baahiyey in David Pertaeus uu qirtay in uu xidhiidh jacayl oo qarsoodi ah la wadaagayey Paula Broadwell oo ah 40 jir la qabo oo laba carruura dhashay, horena u ahaan jirtay saraal Milateri imikana Janaraal Pertaeus kala shaqaynaysay qorista buuggiisa xusuus qorka oo uu gacanta ku hayo.

 

Warqad uu janaraal Pertaeus u diray saraakiisha hay’addan uu madaxda ka ahaa ayuu si cad ug usheegay in uu sameeyey xidhiidh jacayl oo ka baxsan guurka, kaas oo uu ku tilmaamay in uu yahay dhaqan xumo aanu isaga qudhiisu isaga dul-qaadan karin marka la eego in uu yahay xaas iyo marka la qiimeeyo hay’adda uu madaxda ka yahay. Petraeus oo 60 jir ah ayaa khamiistii madaxweyne Obama u gudbiyey dalabka iscasilaadda, Jimcihii ayaanu madaxweynuhu si rasmi ah uga aqbalay is casilaaddaa. “Muddo 37 sano ah oo aan xaas lahaa kadib ayaan dhaqan xumo weyn ku kacay kadib markii aan xidhiidh ka baxsan xaaskayga sameeyey” ayuu Petraeus ku yidhi warqaddan uu u qoray saraakiisha hay’addan uu maamulayey.

Janaraal Petraeus oo muddo yar kadib markii uu hawlgab ka noqday ciidamada qalabka sida ee dalka Marraykanka, uu Obama sannadkii 2011ka u magacaabay agaasimaha guud ee  CIA-da, waa nin shacbiyad badan ku leh dalka Maraykanka oo ay dad badani ku tilmaami jireen in uu yahay murashaxa madaxweyne ee mustaqbalka, waxaana la aaminsan yahay in uu yahay maskaxda Obama ka caawisay in uu Maraykanka ka saaro godkii Ciraaq ee uu ku dhacay.

Waaxda dembi baadhista dalka Maraykanka ee FBI ayaa durba bilowday baadhitaanno qoto dheer oo ay ku jiraan in dib loo eego farriimaha uu e-mailka ku diray Janaraal Petraeus si loo hubiyo in hab-dhaqankiisan foosha xumi uu meel ka dhac ku noqon karo shuruucda sirdoonka ee dalka Maraykanka. is casilaaddan degdegga ah ee Petraeus ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ku bannayn doonto madaxweyne Obama oo hadda uun mar labaad loo soo doortay guriga cad, dad badan ayaana iyaga oo eegaya xidhiidhka dhow ee ka dhexeeyey madaxweynaha iyo Petraeus waxa ay saadaalin jireen in afarta sano ee dambana uu xilkan hayn doono. David Petraeus iyo xaaskiisa Holly Petraeus oo ah agaasime ku xigeenka Waaxda dhowrista tayada adeegyada dhaqaale ee muwaadiniinta (CFPB) waxa ay is guursadeen sannadkii 1973kii .