Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Isagoo Muqdisho Jooga Geeska Afrika U Waramay, Daboolkana Ka Qaaday Inaanu Jirin Xil Uu U Doontay Dawlada Somaliya

1
759

ina cabdi qaadirHargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo hore u ahaan jiray guddoomiye xigeenkii xisbiga KULMIYE, ayaa beeniyay warar la baahiyay oo sheegayay inuu Madaxweynaha Somaliya u magacaabi doono  wasiirul dawlaha arrimaha gudaha ee dalkaas Somaliya.

Qaar ka mid ah warbaahinta maxaliga ah ayaa shalay baahiyay  warar ay ka soo xigteen meelo kala duwan oo sheegayay in masuuliyiin reer Somaliland oo uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka mid yahay ay Muqdisho u joogaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen dawladda loo dhisayo dalka Somaliya. Hase yeeshe Mr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo isagoo jooga magaalada Muqdisho shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu beeniyay inuu magaalada Muqdisho ee Somaliya u tagay sidii uu uga mid noqon lahaa dawladda Somaliya, waxase uu sheegay inuu Muqdisho u joogo dano gaar ah oo la xidhiidha dhul ay qoyskoodu halkaas ku lahaayeen oo uu doonayo inuu iibiyo, waxaanu sheegay inuu sida ugu dhaqsahada badan ugu soo noqon doono Hargeysa, isagoo tilmaamay  inaanay waxba ka iska bedelin mawqifkiisii qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. “Jago (Dhul) ayaanu meesha ku lahayn, waanatan imika meeshii xooga nabad ah ka timid, markaas wakhtigan ayuun baa ugu wanaagsan oo suuqiina aad ayuu u kacay oo waxbaa la kala iibsanayaa, markaas aniga iyo reerkiiba halkan [Muqdisho] ayaanu wada nimi, dhulkaas baanu u nimid, , arrinkaas mooyee wax kale oo siyaasada ah oo igu jirayna ma jirin, iyaguna [Dawladda Muqdisho] waxba imaysiin, aniguna waxba umaan doonan, ismaanu arag ismanaanu maqal, arrinku waa sidaas.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir isagoo sharaxaya ujeedada safarkiisa Muqdisho, waxaanu hadalkiisa sii raaciyay, “ Hawshan aan u imina waxan doonaayay in ay ii dhamaato,Markay ii dhamaatana dib baan uga soo noqonayaa kharashkayga ayaan soo qaadanayaa waan iska imanayaa, arintaan meesha u tagayna taas weeyaan.” 

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo la weydiiyay in nuxurka hadalkiisu yahay inaanu jirin xil loo magacaabay amaba looga magacaabi doono dawladda Somaliya, wuxuu yidhi “ Ma jirto, layna magacaabi maayo, shuqulna iskuma lihin, is arkina mayno, anigu nin Hargaysa u soo socda ayaan ahay mabda’ayguna kaas yahay. aniga xaruntayduna waa Hargaysa oo Hargaysa ayaan ku soo socdaa, xaaskaygu Hargaysay joogtaa, gurigayguna Hargaysuu yahay, siyaasada Somalilandna anigu cidna uga tagi maayo.”

Mar uu Geeska Afrika weydiiyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, inuu isbedelay amaba uu dabcay mawqifkiisii Somaliland, wuxuu ku jawaabay, “ In yarna ismaan badalin, Jagana ilaahaybaa laga helaa meeshii laga qabtaana waa kuu meeshii kale,laakiin maanta Somaliland dan ugu jirta inaan anigu halkan imaado iyo mid  aniga iigu jirtaa midna ma jirto, cidna kulama taliyeen.”

Comments are closed.