Facebook Oo Bilaabay Tijaabada Batam Lagu Cabbiri Karo Waxa Aanad Xiisaynayn (Dislike)

0
626

Washington (Geeska)- Ugu dambayntii waxaa muuqata in shirkadda caanka ah ee Facebook ay go’aansatay in ay tixgelin siiso sidii ay adeeggeeda ugu soo dari lahayd calaamadda ‘Kama aan helin’ (Dislike) ooh ore aan uga mid ahayn, laakiin waxaa weli muuqata in ay ka warwareegayso in ay calaamaddaas si guud ugu sii deyso shabakaddeeda waxa aanay hadda sheegaysaa in ay u samayn doonto macaamiisha isticmaalaha qaybta qoraallada gaagaaban la isku dhaafsado Facebook ee Messanger ka loo yaqaanno.

Degelka Internet ka ee Tech Crunch oo ka faallooda arrimaha Tiknoolajiyadda ayaa baahiyey sawirrada adeeegan cusub eek u soo biiray Messanger ka Facebook, kaas oo ah ay shirkadda Facebook ku gudo jirto tijaabadiisa, si ay macmiilka fursad u siiso in uu dareenkiisa taban ka celin karo waxa uu diido.

Calaamaddan cusub ee ‘Kama Aan helin’ waxa ay ku biiraysaa calaamado kale oo dhowaan Facebook uu ku soo kordhiyey calaamadihiisa cabbirista shucuurta, kuwaas oo ay ka mid ahayd, ‘Jacay’ ‘Qosol’ ‘Ka helitaan’ ‘Murugo’ ‘Cadho’ iyada oo ay horena u jirtay calaamadda, ‘Waa aan ka helay, Like’ oo ah tan ay dareenka ka soo horjeeda ee ‘Kama aan helin, Dislike’ cabbirayso calaamaddan cusubi.

Shirkadda Facebook oo ka hadashay calaamadda ‘Dislike’ ee hadda tijaabada ku jirta ayaa sheegtay in calaamaddan ay ugu talogashay oo keliya dadka adeegsanaya qaybta farriimaha gaagaaban la isku dhaafsado ee Messenger ka, laakiin haddii ay aragto in uu xiise geliyey macaamiisha ay mustaqbalka u ogolaan doonto dhammaan dadka adeegsada qaybaha kala duwan ee Facebook-ga.

Facebook waa shabakadda ugu weyn shabakadaha xidhiidhka bulshada ee Internet ka, waxa aana illaa hadda si rasmi ah u isticmaala dad ka badan 1.86 Bilyan oo macmiil bil kasta.

Hadda ka hor ayaa aad la isula dhex maray warar sheegaya in maamulka Facebook ay ka fikirayaan sidii ay boggooda ugu soo dari lahaayeen calaamadda ‘Dislike’ has haato ee bishii Sagaalaad ee 2015-kii ayaa mulkiilaha isla markaana maamula shirkadda Facebook Mark Zuckerberg waxa uu go’aansaday in laba calaamadood oo ‘Ka helid’ iyo ‘ka helid waa ahi’ aanay macno badan iyo xiiso samaynayn. Laakiin hadda waxa ay shirkadda Facebook sheegaysaa in arrintu ay sidaas ka duwan tahay, oo calaamadda ‘Dislike’ ay anfacayso macmiilka maadaama oo uu ku isticmaalayo qaybta farriimaha ee Messanger ka, waxa aanay u suurtogelinaysaa in uu fikir ama hadal qofka kale u sheegayo ku diido ama muujiyo in aanu la dhacsanayn.