Facebook Oo Bilaabay In Fiidyow Laga Dhigan Karo Sawirka Shakhsiga Ah Ee Qofka Boggiisa U Yaalla

0
633

Picture9Washington (Geeska)- Maalmo yar ka hor ayaa shirkadda Facebook ay ku dhawaaqday in ay hadda kadib macaamiisheeda u suurtogelin doonto in sawirka shakhsiga ah ee ay boggooda facebook soo dhigayaan ka dhigi karaan Fiidyow gaaban, oo halkii sawirka qofku oolli jiray lagu beddelayo.

In kasta oo adeeggani aanu illaa imika si siman ugu wada shaqaynayn guud ahaan dadka isticmaala bar-kulanka bulshada ee Facebook, laakiin si tallaabo-tallaabo ah ayaa uu adeeggan hadba cid u soo gaadhayaa, illaa imikana macaamiil badan ayaa uu gaadhay oo adeegsada. Qofka doonaya in uu hubiyo in adeeggani u furmay sida ugu fiican ee uu ku ogaan karaa waa in uu boggiisa facebook ka galo talefan iPhone ah kadib haddii uu arko muuqaal cusub oo uu yeeshay boggiisa Facebook, tusaale ahaan in sawirkii ku jiray Akoonka facebook uu ka soo baxo shaashadda badhtankeeda, waxa macnuhu uu yahay in adeeggaasi uu shaqaynayo.

Sidoo kale qofku waxa uu cadaadin karaa sawirka hore ugu yaallay boggiisa gaarka ah ee facebook uu ku leeyahay, waxaana u soo baxaya arrimo uu kala dooran karo si uu ugu beddelo sawirka hadda ugu jira, waxaa ka mid in uu u soo baxayo liis, waxyaabaha uu kala dooranayo uu ka mid yahay, “Take a New Profile Video” oo haddii uu taabto markaba kamaradda talefanku ay is shidayso si ay filim 7 ilbidhiqsi ah u duubto, waxa kale oo uu ku arki karaa adeeg kale oo ah, “Upload a Photo or Video” kaas oo uu ogolaanaya in aad soo qaadato sawir ama Fiidyow ku jira talefanka ama aaladda kale ee aad Facebook ka isticmaalayso kadibna dhigato Profile ka. Haddii aanu adeeggani weli kuu furnayn marka aad tijaabadan samaynayso  waxaa kuu soo baxaya baraarujin ah, “Profie Videos: Coming Soon”