Faa’idada Waxbarashada: Ardaynimadu Waxa Ay Xakamaysaa Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca

0
1531

London (Geeska)- Cilmibaadhis caalamiya oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in dadka sannado badan ku qaata waxbarashada ay ku yar tahay khatarta wadne xanuunka oo ay ka mid tahay wadne wareenka iyo wadnaha oo shaqada joojiya. Cilmibaadhistan waxaa sameeyey xeeldheereyaal ka kala socday labada jaamacadood ee London iyo Oxford oo Ingiriiska ah iyo jaamacadda Lausanne ee dalka Iswitserlaand, natiijadeedana waxaa lagu baahiyey joornaalka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee Biritish Medical Journal.

Shaybaadho iyo baadhiso kale oo ay cilmibaadhayaashani ku sameeyeen 543 kun oo qof oo rag iyo dumar isugu jira, iyaga oo si gaar ah u shaybaadhayey 162 isbeddel oo ku dhaca hiddesideyaasha oo sababtoodu ay tahay ku sii negaanshiyaha waxbarashada. Waxa aana ugu dambayntii u soo baxday in qofka oo saddex sano iyo badh dheeraad ka ah waqtiga caadiga ah ee waxbarashada ku sii negaada waxbarashada ay ka caawiso in ay boqolkiiba 30 yaraato khatarta ku soo fool leh ee la xidhiidha cudurrada wadnaha ku dhaca.

Waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in u diyaar ahaanshiyaha waxbarashada waqtiga dheer ahi ay qudheedu tahay arrin hidde sideyaasha la xidhiidha, isla markaana ay calaamad u tahay in qofkaas ay ku yaraanayaan waxyaabaha buurnida sababa, iyada oo la og yahay in buurniduna ay tahay sabab muhiim ah oo wadne xanuunka iyo dhiigkarkaba keenta.

Warbixintii daraasaddan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa ku talisay in la kordhiyo tirada sannadaha uu qofku nidaamka waxbarasho ku qaadanayo, taas oo ay si aad u weyn u yarayn karta khatarta ah in ay qofkaas ku dhacaan cudurrada xididdada dhiigga u qaada wadnaha. Xanuunnada sida gaarka ah loo tilmaamayna waxaa ka mid kuwa ka dhasha dufanka oo si joogto ah ugu urura halbawlaha oo aakhirka keena in uu xidhmo.

Dhianca kalana hay’adda caafimaadka adduunka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiiggu ay yihiin kuwa ugu badan ee sababta u ah dhimashada dunida oo dhan ka dhacda. Waxa ay WHO sheegtay in sannadkii dad gaadhaya 17 Milyan iyo 300 oo kun ay dunida ugu dhintaan wadne xanuun, taas oo boqolkiiba 30 ka noqonaysa guud ahaan dhimashada dunida ka dhacda halkii sano, waxa aana la filayaa in sannadka 2030 ka ay tirada dadka wadne xanuunka sannadkii u dhintaa gaadho 23 Milyan.