“Ma Jiro, Kiis Coronavirus Ah Oo Dalkeena Lagu Arkay”

0
514

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Shacabka u soo jeediyey inay ku baraarugsanaadaan Khatarta Coronavirus, isla-markaana dabaqayaan Farriimaha Wacyi-gelineed ee Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa isaguna Shacabka u soo jeediyey inay u dhego-nuglaadaan Wacyigelinta loo jeedinayo isla-markaana badsadaan baryada Allaah SW.

Agaasimaha oo Arrimahaa ka hadlaayana wuxuu yidhi  “‘Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland muddane Muuse Biixi Cabdi, wuxuu dhawaan magacaabayo Guddi heer qaran ah oo ka hortaga halista iyo khatarta xanuunka Coronavirus, ee Caalamka sida xawliga ah ugu faafay, Guddidaasoo markiiba bilawday dadaalo aad u badan oo ay kaga hortagayso in xanuunkan halista badan inuu dalkeena soo galo, Wasaarad ahaan si joogto ah ayaanu umadda u siina wacyigelin ku waajahan halista Coronavirus, sidaas darteed umaddu inay aad isku ilaaliso oo ay feejignaan dheeraad ah sameeyaan ayaa laga doonayaa,  Coronavirus go’doon buu ku kala riday wadamadii Caalamka, isku socodkii baa meesha ka baxay, baqashadiisa ayaanu leeyahay,  si xawliya ayuu u fidiya, ee aynu ALLE bariyadiisa badsano, oo ducooyinka uu Rasuulkeenu akhrisan jiray aynu akhirsano, oo dadkeenu aad u baruurugsanadaan, oo nadaafada aynu aad u ilaalino, wacyigelinta aanu wadnana ha la qaato”

Dhanka kale, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu sheegay in aanu illaa hadda jirin hal Kiis oo Coronavirus ah oo lagu arkay Somaliland “Haba-yaraatee wax Kiis Coronavirus oo ah oo Dalkeena lagu arkay ma jiro..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here