Ergo La Sheegay In Loo Dirayo Guddoomiye Saleban Iyo Xildhibaan Gacan Oo Bogaadiyay Heshiiska Axsaabta

0
542

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa diyaarinaysa ergo loo diro guddoomiyaha golaha guurtida md. Saleban Maxamuud Aadan, si loogu qanciyo inuu aqbalo heshiiska ay wada gaadheen xisbiyada iyo xukuumadu oo uu si adag uga horyimid. Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in la doonayo in ergo odayaal dhaqan ah oo u badan beesha guddoomiye Saleban loo diro si ay culays ugu saaraan inuu aqbalo heshiiska lagu soo ajaray khilaafkii siyaasiga ahaa, kaas oo dhawr bilood ka soo soke mariyay doorashooyinka wakhtiga muddo kordhineed ee ay golaha guurtidu sameeyeen. Lama garanayo in guddoomiye Saleban ka soo dabci doono mawqifka adag ee uu ku cambaareeyay heshiiska saddexda xisbi iyo xukuumadda, kaas oo ay shacabka Somaliland soo dhaweeyeen.  Geesta kale xubno ka tirsan golaha guurtida ee uu Saleban guddoomiyaha u yahay ayaa u sacabo tumay go’aanka lagu heshiiyay ee uu guddoomiyahooda sharci darada ku tilmaamay.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo ah guddoomiyaha guddiga nabadgelyada ee golaha guurtida  ayaa soo dhaweeyay isafgaradka la gaadhay ee wada jirka loo saxeexay.  Ugu horayn xildhibaan Axmed Gacan ayaa yidhi “Anigu aad iyo aad ayaan heshiis]ika u soo dhawaynayaa waanan hambalyaynayaa. Waxaanan u hambalyaynayaa laba qodob marka u horaysa khilaaf baa taagnaa oo waa la is haystay, khilaafkii waa la dhaafay maanta meel baa wax la isla dhigay. Ta’ labaad markii ay guurtidu soo saaraysay go’aankan aad baanu guddoomiyaha uga wada hadalnay, 7 nin oo aan wato ayaanu ugu tagnay aynu go’aankii guddiga doorashooyinka hambalyayno  ayaan ku idhi inagana ceeb ayaa inagaga iman, dalkana is qabsi ayaa ka iman ee aan go’aankaas guddiga doorahada hambalyayno, wuu igu diiday, mar labaadkiina waan ka codeeyay oo intii diiday ayaan ka mid ahaa, kaana waan u hambalyaynayaa oo mar haddii talada marka hore lagugu diido oo ay talada laguu giiday wax ka soo noqdaan waajib ayay kugu tahay inaad kaana hambalyayso.”

Wuxuu xildhibaanku sheegay inay tahay markii u horaysay ee go’aan guurti la diiday “Horta guurtidu weligeed go’aan ay go’aamisay lagama daba tagin, go’aanka guurtidana macaa madaxweynuhu ma saxeexayo oo sidiisa ayuu u socdaa, laakiin golaha guurtidu maanta way deg degeen.”