Ergayga Nabadda Geeska Afrika Ee Finland Oo Socdaalkiisii U Horreeyay Ku Yimid Somaliland

0
454

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta xafiiska ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland u qaabilsan Nabdda Gobolka Geeska Afrika Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo booqasho ku yimi dalka.

Kulankan waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Siciid Sulub Maxamed.

Ergayga Nabadda Geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dalka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa dhawaan Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Finland waxay u Magacowday Ergayga u qaabilsan Nabadda Geeska Afrika, waxaana socdaalkiisa Maantu noqonayaa kii koowaad ee uu gobolka ku yimaaddo inta la Magacaabay.

Suldaan Siciid Axmed, kaa sakow xilka loo magacaabay waxa uu ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland.

Geeska.net/Hargeisa Office