Ereyadii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Ay Ku Tiraabeen Ciyaartoyga Kubadda Cagta Adduunka Brazil 2014 (4)

0
1515

Picture7Brasilia (Geeska)- Waa qormadii Afaraad ee taxanihii uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay degel lagu faalleeyo ciyaaraha adduunka oo lagu magacaabo Sports Arabia ayaa waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah eereyada dhegaha dadka soo jiitay ee ka soo yeedhay ciyaartoyga kala duwan ee ka qayb galaya ciyaaraha weli gebo-gebadoodii ay ka socoto dalka Brazil:

8. Patrice Evra: Waa weeraryahan laakiin inta badan ka ciyaara baasha bidix-dambe, oo koobka Premier League ka ciyaaraa kooxda dalka Ingiriiska ka dhisan ee Manchester United. Ciyaaryahankan Faransiiska ah oo dhashay 1981kii oo uu Sir Alex Ferguson ku ammaanay kartidiisa hoggaaminta kubbaddu waxa uu Kabtan uu kabtan u ahaan jiray kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Faransiiska ee uu u dhashay.

Patrice Evra asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Senegal ee woqooyi-galbeed Afrika oo uu dalka Faransiisku gumaysan jiray, waxaana dhalay diblumaasi caan ka ahaa dalkaas, laakiin isagu waxa uu Qaaradda Yurub tegey isaga oo hal sano oo keliya jiray, kadib markii uu aabihii shaqo ka bilaabay safaaradda Senegal ku leedahay dalka Belgium, dibna uma uu noqon. Waxa uu ku koray xirfadda kubadda cagtana ka bilaabay dalka Faransiiska ooo uu naadiyo badan ka soo ciyaaray, sannadkii 1998kii ayaanu heshiiskii ugu horreeyey ee xirfadda kubadda cagta oo ka baxsan dalka Faransiiska waxa uu la saxeexday kooxda Marsala ee dalka Talyaaniga.

Patrice Evra oo ciyaaraha koobka adduunka xulka Faransiiska uga qayb galay sannadkii 2010kii iyo sannadkan 2014ka labadaba ayaa ay dad badani ku tiriyaan nin qab-weyn oo inta badan naftiisa meel sare la taagan, intii ay socdeen ciyaarihii koobka adduunka ee Brazil 2014 mar arrintaas warbaahintu wax ka weydiisayna waxa uu ku jawaabay, “Naftayda ayaa aan jecelahay… Waa suurtogal in arrintaasi u muuqato is-qancin laakiin xataa marka ay igu yimaaddaan waqtiyada adagi ma jecli in aan naftayda naqdiyo”

Picture89. Tababare: Luiz Felipe Scolari: Tababare Scolari oo dhashay sannadkii 1948kii waa ciyaartoy hore difaaca uga ciyaari jiray, isla markaana hore ugu guulaystay koobka adduunka laakiin hadda ah tababarihii khasaarihii ugu foosha xumaa abid ka soo gaadho ciyaaraha koobka adduunka ee 8da kooxood. Sannadkii 2002da oo uu ku guulaystay in xulka Brazil uu u qaado koobka adduunka, kadib waxa uu tababare u noqday xulka qaranka Portugal oo uu la joogay illaa 2008da, waxa aanu ku guulaystay in uu xulkaas soo gaadhsiiyo ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Yurub Euro 2004ka, in kasta oo markii dambe uu xulka Giriigu ku reebay 1-0. Waxa kale oo uu xulka Giriigga soo gaadhsiiyey wareegga afar dhammaadka ee koobkii adduunka ee 2006da.

Mar kale ayaa uu Scolari ku soo noqday xulka qaranka Brazil sannadkii 2012ka, waxa aanu u qaaday koobkii Confederations Cup 2013ka, sidoo kale waxa uu soo gaadhsiiyey afar dhamaadka koobka adduunka ee Brazil 2014ka. Laakiin fadeexaddii ugu weynayd waxa ay raacday markii ciyaartii uu xulka Brazil ku rajo weynaa in uu ugu soo baxo Labada kooxood ee u dambeeya uu Jarmalku ku reebay 7 gool iyo eber, haddana ciyaartii kaalinta saddexaad loogu baxayey uu dalka Netherlands ku reebay 3-0, taas oo keentay in markiiba uu xidhiidhka kubadda cagta dalka Brazil qaato go’aan uu Scolari kaga caydhinayo tababarenimada xulka qaranka.

Scolari oo u dhashay dalka Brazil, sidoo kale waa muwaadin u dhashay dalka Talyaaniga oo ay awoowyadiisa hore ka soo haajireen, ma’aha markii ugu horreysay ee koox uu wato uu dalka Jarmalku si xun u tumo, oo hore ayaa ay sannadkii 2008da u dhacday in xulka Portugal oo uu watay koobkii Euro 2008, in uu jarmalku wareeggii labaad ku reebo 3-2, laakiin waa markii ugu horreysay ee goolal sidaa u badan lagu reebo. Haddaba mar uu dhowaan warbaahinta kala hadlayey guul darrada gaadhay ayaa hadalladiisa taariikhda u galay waxaa ka mid ahaa, “Caadi ahaan waxa aan doonayaa in la igu xasuusto in la igaga badiyey 7-1, oo ah jabkii ugu foosha xumaa ee abid soo gaadha xulka Brazil” Laakiin tababaro Scolari waxa uu ku dooday in taasi ay tahay khatar uu u badheedhay markii uu qaadayey xilka tababarenimo ee xulka Brazil oo dabcan guul iyo guul darraba uu filanayey. La soco…