Eng: Maxamed Xaashi Oo KULMIYE Ku Tilmaamay Xisbul Xaakimkii Ugu Xumaa Ee Dalka Soo Mara, Kana Hadlay Musuqmasuqa

0
608

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng : Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa  ka hadlay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye qabsaday, waxaanu ku tilmaamay in Shirweynahaasi ahaa mid aan u dhicin sidii saxda ahaa, ee uu u dhacay si cadaalada ka fog, oo Reernimada iyo Qabyaaladu shaqeysay, dadkii ka qeyb galayna aan loo eegin Xisbinimo ee lagu soo xulay Reernimo, waxaanu Xisibga Kulmiye ku tilmaamay Xisbigii ugu xumaa ee soo mara Somaliland.

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo ka tirsan Madasha Wada-tashiga, ayaa sidoo kale isbarbar dhig ku sameeyey Xisbigii UDUB iyo Xisbiga Kulmiye,waxaanu sheegay in kulmiye hayo Waddadii ay UDUB ku baabaday.

Maxamed Xaashi Cilmi oo wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa talooyin u soo jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu ugu baaqay inay digniin u noqoto isla markaana Tusaale ku qaataan Shirweynihii Kulmiye qabsaday, waxaanu sheegay inay jiraan arimo ay Xukuumaddani iyo Xisbigeedu ay ku dhaqmeen,oo dalka ceeb u soo jiiday, khatarna gelin gaadhay, kuwaas oo ka mid ah Doorashadii Golaha Deegaanka iyo Musuqmaasuq baahsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay

“Haddii aan ka hadlo arinta Kulmiye iyo Shirkiisa, waxa jira Saddex Xisbi Qaran, oo laba waa Mucaarid, midina waa Muxaafid, dadkii waxan inoo la yimid inta badan sida ay u dhaqmaan waa in Xisbiga Muxaafidka ahi uu ilaaliyo Dawladda oo uu ku ilaaliyo Sharciga, oo in aanu Xisibigu Bulshada dhexdeeda aanu ku xumaanin ayuu badanaa Xisbiga Muxaafidka ahi ku dadaala, oo Ragga u socda Madaxweyne ee is leh waxa dambe idinku u halgama waxa laga raba Magaca wanaagsan”.

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Tan iyo  markii ay dib ula soo noqonay xoriyadeena waxa ina soo maray Afar Madaxweyne, inta badana Xisbiga Muxaafidka ahi ma qaato doorkii uu lahaa, ee ahaa inuu toosiyo Dawladda, oo in Sumcad iyo Karaamo Bulshada dhexdeeda ku yeeshaan ma sameeyaan,waxaad se mooda inay yihiin Askar loo diray in wixii hadal hayaba, waxa la doonaba ha  lagu hadal hayee inay qandhadh ku yihiin oo eryadaan, oo Xisbi ayuu ka soo hor jeeda iyo waxa ayuu sameeyey inay ku mashquulsan yihiin, oo wax aan loo baahnayn oo aan loo diran inay ku jiraan, Xisbiga Kulmiye-na uu kaga dheerayey arintaas”.

Eng: Maxamed Xaashi oo ka hadlay Shirweynihii Kulmiye iyo sida uu u arko ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye guddihiisi ayuu Nidaamkii ka dhintay, oo Saddex jeer ayuu Shirweynahoodii dib u dhigeen,dib u dhacaa  ku yimid Shirweynahooda, Kharashkii ku baxay, hadalkii ka socday, dab damiskooda ku baxay, iyo intii ay is haysteen, oo kolba la lahaa Madaxdii ayaa la heshiisinayaa, waxayna waxaasi yihiin wax Xisbiga iyo Xukuumaddaba lagu naco, sababtoo ah Xisbigii Muxaafiidka ahaa iyo Xukuumaddii ayaan meel u wada socon, waayo waxa aynu wada ognahay in Xisbigii UDUB oo u horeeyey Xisbiyada inuu baabay markii uu Madaxweynihii isku duubay oo uu ka dhigtay Guri uu ku shaqeysto, oo uu yidhi aniga ayuunba ahaanaya Guddoomiyaha, markaas ayuu Xisbigii UDUB kala daatay, Kulmiye-na Qarka ayuu u saarnaa inuu kala daato.

Xisbinimadii ayaa laga tagay, oo Reernimadii ayaa loo noqday, Qabiilkii ayey aad u wadhfiyeen, waxayna arintu noqotay in cidii ku jirtay Kulmiye iyo cidii aan ku jirinba in Reerku cida ay soo xulaan inay Shirweynaha ka soo qeyb galaan, markaasna kii UCID ahaa,kii Waddani ahaa iyo kii cid kaleba ahaa inay meeshii Reernimo ku yimadaan, waa arin inagu cusub, aad u qariban, ay tahayna in dawo loo helo, oo markaas Xukuumadda iyo Xisbiga Muxaafidka, waa inay ilaaliyaan Nidaamka iyo Taladda Qaranka, sida ay runtu tahayna waa ay ku tunteen Taladdii Qaranka,Magac xumo weyna wey soo jiideen, wey ceebaysan yihiin Dalkiina wey ceeb ayey u soo jiideen”.

Mujaahid Maxamed Xaashi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dhinaca kale Shirweynaha Kulmiye Tartan ayaa ka dhacay, oo Qabiil ayaa la xuuraaminayey, oo Reer walba Qabiil ayuu xuuraminayey, waana la is weydaaranaayey,oo Tartan wuu jiray, balse Tartankii saxda  ahaa ayaan dhicin”

Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wuxuu intaas raaciyay, “Saddex arimood oo waaweyn oo aan hore inoo soo marin ayeynu hadda ku jirnaa, midi waa Doorashadii ugu horeeysay ee Kulmiye qabto, waxa ay ahayd Doorashadii ugu xumadayd ee inoo soo marta, dar ILLAAHAY iyo dadka oo wanaagsan ayaa lagu kala baxay,  Mida labaadna waa Shirweyne la qabsado, Shirweyne ka xun Shirkii  Kulmiye qabsado muu ina soo marin,   Mida Saddexaadna  waa Musuqmaasuq heerkan la gaadhayna, hore heerkan oo kale looma gaadhin.  Haddaba Saddexdan arimood intii uu Kulmiye Dalka haystay ayey dhaceen, waxaana inta  badan la isla dhexmara Doorasha dhacaysa iyo muddada la kordhinaya, hadalana waa la isla dhexmaraya, balse Xisbiga Kulmiye marka loo eego Xisbi Muxaafid muu garan Siyaasada iyo doorka uu ku leeyahay Dalka iyo waxa looga baahan yahay, Reero isku yimid ayuu ahaa, Reero ayaa lagu Xisaabtamay oo lagu gor-gortamay, Xisbibigiina meel ayaa la iska dhigay, waxaanan filayaa in Doorasho haddii ay dhacdo inay Doorashadii hore ka xumaanayso, ILLAAHAY SWT  kama yeele,Xisbiga Kulmiye waa Xisbul Xaakimkii ugu xumaa ee ina soo mara, ILLAAHAY SWT ha hagaajiyo dariiqa toosana ha tuso”.

Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi mar uu isbarbar dhig ku sameeyey Xisbigii hore Taladda dalka u hayey ee UDUB iyo Kulmiye ayaa yidhi “Xisbigii UDUB iyo Kulmiye isma dhamaan oo waa Ilmadeer, waayo waxa aan ogaa in Ismaaciil Yare oo Xubin ka ahaa UDUB, in la yidhi ka deg oo Salaanka qabso, oo UDUB Xisbi Nidaam leh oo sii jiraya muu ahayn, Kulmiye isna Wadadii UDUB ayuu hayaa haddii aanu ka deg degsanaynba, kala daadadkiisu”. Mujaahid Maxamed Xaashi ayaa isaga oo dardaaran u diraya Xisbiyada Mucaaradka ah waxa uu yidhi “Xisbiyada Mucaaradku Daris wax laga barto iyo meel wax laga qaato wey arkaan,Anigu Xisbina kuma jiro, balse Xisbiyada Mucaaradka ahi, halka ay wax la martay Kulmiye wey arkaan, Shirweynahoodana sida ay u qabsanayaan iyaga ayey u taala.”