Eng. Baashe Cabdi Gaboobe Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Meesha Ka Saartay Doorkii Guurtida

0
645

Hargeysa(Geeska)-Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, oo ahaa madaxii ololihii doorashadii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay, gaar ahaan gobalada galbeedka Somaliland, ayaa xukuumadda ku dhaliilay inay meesha ka saartay doorkii ay guurtidu ku lahaayeen nabadgelyada iyo isu soo dhawaynta beelaha walaalaha ah.

bbbbbbbbbb

Eng. Baashe, oo shalay waraysi gaar ah siiyay weriye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telefishanka HCTV, wuxuu ka xog waramay kaalintii ay guurtidu ku lahayd dhismaha qaranka Somaliland, “Intii xisbiga KULMIYE talada qabtay, dhinac waxaan isleeyahay malaha berigay mucaaradka ahaayeen ayay  u tirinayaan guurtida, oo dhaliishaa xukuumadaa leh, guurtiduna waxay distooriyan awood u leeyihiin inay amniga iyo nabadgelyada ka shaqeeyaan, laakiin ciddii mindida daabkeeda haysay haddaanay hawlgelin dee iyaguna ma hawlgalayaan, markaas dhinacaa guurtida waa la tabayaa, iyagaana ku haboon, halkana waxaynu ku gaadhnay talo wadaaga odayaasheena madax dhaqameedka iyo guurtida.” sidaas ayuu yidhi Baashe Cabdi Gaboobe.

Wuxuu kaloo dadweynaah Saaxil, Hargeysa, Hawd iyo Gabiley ugu baaqay inay u diyaar garoobaan diiwaangelinta oo dhawaan deegaanadooda ka bilaabmi doonta. Waxa kale oo uu Eng. Gaboobe ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay samayso qorshe ku tallo gal ah oo loo sameeyo miisaaniyad gaar ah oo gurmad ah, marka ay abaarahan oo kale dalka ka dhacaan.