Dunida Oo Mamnuucday Khudaarta Masar & Hilib Digaagga Brazil Iyo Suuqa Ay Ka Heleen Somaliland

0
596

Hargeysa(Geeska)-Khudaarta wadanka Masar iyo Hilib digaaga dalka Brazil oo ay dalal badan oo dunida ahi mamnuuceen, ayaa suuq cusub ka helay suuqyada Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

Dalal badan oo dunida ah oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Suudaan ayaa mamnuucay khudaarta dalka Masar, gaar ahaan Liin macaanta oo markii baadhis lagu sameeyay ay dalalkani ogaadeen inay leedahay halis caafimaad, marka dib loogu noqdo qaabka loo beero, waxaanay dalalkani ku doodeen in liin macaanta dalka Masar lagu waraabiyo biyo wasakha ah.

Dalka Suudaan oo lagu tiriyo wadamada dhinaca caafimaadka ugu horumarsan qaaradda Afrika, ayaa bishii March ee sanadkan qabtay liin tiro badan oo dalka Masar laga soo raray loona waday in kootarabaan lagu geliyo Suudaan, waxaanay burburiyeen liin macaantaas si aanay caafimaadka shacabka Suudaan u waxyeelayn.

Wasiirka ganacsiga ee Suudaan Maxamed Yuusuf Cali, ayaa warqad uu soo saaray bishii March ee sannadkan wuxuu dhiggiisa dalka Masar ku wargeliyay waxyaabo dhibaato u leh caafimaadka bini-aadamka oo markii baadhis lagu sameeyay lagu arkay khudaarta Masar, gaar ahaan liinta.

Dalalka Midowga Yurub qaarkood ayaa iyaguna mamnuucay khudaarta dalka Masar qaar ka mid ah, iyagoo ku tuhmay caafimaad darro, waxaa iyaguna sidan oo kale liinta macaanta dalka Masar ka baxda laga mamnuucay Liin macaanta sababo la xidhiidha shaybaadho lagu sameeyey oo muujiyey in ay ku jiraan unugyo kansar.

Laakiin Khudaarta Masar oo ay liintani ku jirto ayaa bilihii u dambeeyay suuq hor leh ka heshay suuqyada Somaliland, iyadoo ay Somaliland leedahay beero badan oo ay liin macaantu ka baxdo, ayaa haddana waxa ay ganacsato reer Somaliland ahi dalka Masar ka soo dejiyaan liintaas oo ay in badan oo dunida ka mid ahi caafimaad darro darteed u mamnuuceen.

Geesta kale dawladdaha Midowga Yurub, Shiinaha, Kuuriyada Koonfureed, Chile, Imaaraadka iyo wadamo kale ayaa ku dhawaaqay in ay iska joojiyeen Hilibka Digaaga ee laga keeno suuqyada dalka Barazil, kadib markii ay soo bexeen fadeexado ku saabsan tayada iyo fayodhowrka caafimaadka Hilibka Digaaga ee laga keeno dalkaasi.

Midowga Yurub ayaa liisanka ganacsi kala noqday shirkado dhawr ah oo dalalkaas geeya hilibka digaaga ee Baraasiil. Sanadkii 2016 dowladda Brazil ayaa wadamada dibada u dirtay 853,000 oo maraakiib hilib digaag sida.

Dalalkan hilibka digaaga Brazil la keeno wax aka mid ah Somaliland oo uu soo galo iyadoon lagu samayn hubin dhinaca caafimaadka ah.

Wasaaradaha caafimaadka, ganacsiga iyo weliba hay’adda dhawrista tayada ayaan marna ka hadal badeecadaha ganacsi ee soo gala Somaliland, gaar ahaan kuwa la quuto oo aan lagu samayn baadhis lagu hubinayo tayadooda.

Shacabka Somaliland ayaa waxa ay muddooyinkan dambe qaar badan oo ka mid ahi la daalaa dhacayeen xanuunu aan hore loogu arki jirin dalka oo cusub, kuwaas oo dadka caafimaadka aqoonta u lihi ku xidhiidhiyeen inay ka dhasheen badeecadaha cuntada ah ee dalka la keeno oo aan tayadooda la hubin.