Dumarka Mansabyada Sare Haysta Ama Dakhliga Badan Waa Ay Ka Caafimaad Xun Yihiin Kuwa Ka Hooseeya

0
825

1111111111111Washington (Geeska)- Majaladda Harvard Business Review ayaa dhowaan baahiyey daraasad sheegaysa in dumarka haya shaqooyinka mansabyada sare ahi ay jidh ahaan iyo nafsi ahaanba ka caafimaad hooseeyaan dumarka la midka ah balse ka waxbarashada hooseeya, ama xirfadaha iyo shaqooyinka ay hayaan hooseeyaan ama dakhliga soo gala uu yar yahay.

Cilmibaadhistan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegay in 30 dumar ah oo baadhis cilmiya lagu sameeyey lagu ogaaday in culayska iyo juhdiga badan ee shaqadu uu ku keeno miisaankooda oo kordhay, boqolkiiba 48 ka mid ahina ay sheegeenba in aanay awoodin ama waqti u helinba in ay xitaa dhakhtar tagaan, culayska shaqada awgeed.

Cilmibaadhayaashu tijaabo kadib tijaabo ay ku sameeyeen 369 dumar ah, oo xilal kala duwan oo sare haya waxa ay sheegeen in cadaadiska shaqada ee gabadha ku dhaca gaar ahaan culayska iyo duruufaha shaqo, fikir iyo dadaal ee aalaaba ku gaadaaman xilalka sare ay raad xun ku yeeshaan caafimaadka maskaxda iyo jidhka ee gabadha.

Khubaradu waxa ay sheegeen in baadhistaasi caddaysay in dumarka mansabyada sare jooga ama dakhliga badani uu soo galayaa ay haddana caafimaad ahaan ka liitaan dumarka dhiggooda ah ee iyagu mansabyada hoose haya ama dakhliga yari soo galo.