Dumarka ayaa Ragga uga Nugul Halista Cudurka AIDS ka

0
754

 

naagWashington- Khubaro ka qayb gashay shirkii caalamiga ahaa ee lagaga arrinsanayey cudurka AIDS ka ayaa caddeeyey in dumarka dunida oo dhami ragga uga nugul yihiin ugana dhow yihiin halista ah in cudurka AIDS ku ku dhaco. Shirkan oo ah kii 19 aad waxa uu ahaa shirweyne caalamiya oo ay ka qayb galeen 20 kun oo ah ergey ka kala timi 190 dal oo dunida oo dhan ah, waxa ay khubaradani ka sheegeen in dumarka da’doodu u dhaxayso 15 illaa 24 jir ee cudurkan qabaa ay laban-laab ka badan yihiin ragga da’dooda ah ee cucurkan qaba sida lagu xaqiijyey tirokoobyo laga sameeyey arrintan oo ay toddobaadkii hore faafisay hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan cudurkan ee UNAIDS. Warbixintani waxa ay sheegaysaa in dadka da’dan ah ee cudurkan qaba ay boqolkiiba 63 ka mid ahi yihiin dumar.

 

Warbixin ay Qaramada midoobey ka soo saartay sannadkii 2011-ka ayaa lagu sheegay in tirada dumarka uu sannadkaa cudurkani ku dhacay inta la og yahay ay tahay Hal Milyan iyo Laba boqol oo kun oo ruux, kuwaas oo intooda badani ay u dhasheen dalalka soo koraya ama kuwa dakhligoodu dhexdhexaadka yahay, sida warbixintaa ku cad AIDS ka ayaa ah sababta ugu weyn ee ay u dhintaan dumarka gaadhay da’da dhalmada.

Dhanka kalana Diane Flir oo bare caafimaad ka ah jaamacadda California ee magaalada San Francisco isla markaana ka mid ahayd shir guddoonka kulanka AIDS ee sannadkan ayaa tidhi, “Suurtogal ma’aha in aynu sheekadeena ka bilwno ka takhalusidda AIDS ka iyada oo ay jirto in culayska ugu weyn ee cudurkani uu tunka u saran yahay dumarka”  haweenaydan oo sii wadda hadalkeedu waxa ay intaas ku sii dartay, “Horumarka weyn ee laga gaadhay hoos u dhigga in hooyooyinka cudurkan qabaa ay ubadkooda uurka ku jira u gudbiyaan iyada oo la adeegsanayo daawooyinka muquuniya cudurkan, waxaa waajib innagu noqonaysa in aynu sidoo kale miisaanka saarno yaraynta culayska ay aafadani ku leedahay dumarka”

Dhanka kalana Dr. Geeta Rao Gupta oo ah ku xigeenka agaasimaha hay’adda carruurta u qaabilsan qaramada midoobey ee UNICEF ayaa sheegtay inkasta oo sannadihii u dambeeyey horumar weyn la sameeyey haddana  in aan weli shaqadan la dhamaystirin. Dr. Gupta waxa ay sheegtay in weli tirada dhalinyarada uu cudurkani ku dhacayaa ay weli sarayso, gaar ahaan hablaha oo ay sheegtay in 2 Milyan iyo 2 boqol oo kun oo dhalinyaro ah oo uu cudurkani ku dhacay sannadkii 2011-ka Hal Milyan iyo 3 boqol oo kun oo ka mid ahi ay ahaayeen hablo.

Dalka Maraykanka ayaa la sheegayaa in dumarka madowga ahi ay yihiin kooxda labaad ee uu cudurkani ugu dhicista badan yahay, marka laga yimaaddo dadka isku jinsiga ah ee is guursada oo iyagu kaalinta koowaad ku jira, tusaale ahaan marka dalka oo dhan la qiimaynayo, gabadha madow ee Maraykanka ah ayaa 15 jeer gabadha cad uga dhow cudurkan. Sida ay xaqiijisay Virginia Fields oo madax u ah jimciyadda National Black Leadership Commission oo ka hadlaysay cudurka AIDS ka iyo sida uu dadka Maraykanka ugu dhaco.