Xogta Muwaadin 2aad Oo Ka Badbaaday Xasuuqii Jasiira

0
658

 

Intaas ka dib maxaa dhacay, waxa ka sheekaynaya Mr. Aadan, waxaanu yidhi, “Anigoo go’ii yaraa guntan oo banaanka taagan ayuu markaa dhagarqabe Canjeex intuu igu soo jeestey ayuu surka looto igaga dhuftay markaasaan ku dhacay albaabkii ganjeelka ahaa ee gurigayaga markaasay intii dhexdu furantay go’ii oo aan ku duulay guriga dhexdiisa minjuhuse banaanka ayay iyaaleen hooyaday iyo laba hablood oo aanu walaala nahay ayaa soo cararay markaasuu lugaha isoo qabtay oo dib ii soo saaray aadna runtii wuu u sakhraansanaa dhagarqabe Canjeex gaadhigaana laygu tuuray.

Wadadu halkay ku dhamaato waxa ku yaalay garoon la odhanjirey [ISBARTIIBO-WEEKIYO] oo ahaa groon aanu kubada ku ciyaari jirney halkaasaana laygeeyey meelbaa nalagu ururiyey waana nala kala soocay oo in xoogaa ah baanu ahayn waxaana ragii la garanayey mooyee intayadii kale la weydiiyey qabiilkooda waxaana sheegtay Shiikhaal

waxaanna ahaa runtii markaa- ilaa -14 oo shiikhaash waan kala aqaaney inan iga horeeyey oo ay inantaa Sahra guriga ku dhegan deganaa oo la odhan jirey-  Muxumed dheere oo runtiina isagu Ogaadeen ahaa markuu yidhi Ogaadeen baan ahay weyka diideen oo way kudareen anigana way isii daayeen afreer xamarkana aad baan u aqaaney oo shiikhaash waan ku soo badbaadey.”

Mr. Aadan, waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday oo uu yidhi, “Guriga qoorgaab  waxa dhinaca midig ka xigey islaan barawaani ah oo dhashay inan Mareexaan ahaa waxaana habeenkaa guriga turub ku ciyaarayey ilaa -7- dhalinyarada xaafada ahaa oo uu ku jirey inan -ba’dhulbahante ahaa oo la odhanjirey [faysal-adhi-carbeed] waxaa kaloo isna joogey  nin aanu aad saaxiib u ahayn oo Majeerteen ahaa lana yidhaahdo najiib Raakhow oo ahaa dadka aadka u kala yiqiin saraakiisha dawlada markii ay ciiamadii Canjeex iyaga u galeen way salaameen, inamada inan kamid ahaa oo ahaa  koofiyad castii ayaa isagu dharkiisii gashanaa waana lays gartay siday ii sheegeen maalintii danbe  waxaanay dhallinyartii igu yidhaahdeen  Waryaa Aadan, ninkii Canjeex la socdey Cimraan uu ahaa noo’  aniga laftayduna waxaan ahay- nin Habarjeclo ah. Sidaas daraadeed, waxaan diyaar u ahay inaan dhagar qabe Canjeex ku cadeeyo xasuuqii xeebta Jasiira oo markaan soo xasuusto aan murugo la seexan waayo. Mar labaad diyaar ayaan ahay inaan ka qayb qaato sidii dhagar qabahaas sharciga loo horgayn lahaa.”