Hargeysa(Geeska)-Curashadii Jamhuuriyadda Somaliland, waxa la kowsaday dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo madaariista Islaamiga ah oo ah kuwo ka madaxbanaan dawladda.
Waxa ay dugsiyadaasi iyagoo ka faa’iidaysanaya dabaca awoodihii dawladnimo ee Somaliland ee xilligaas samaysteen dirays u gaar ah ardaydooda kuwaas oo aanay qaar ka mid ah ku salayn astaanta qaranka halka ay qaarkoodna ku saleeyeen arrimo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland.
Dugsiyadaas oo isugu jira kuwa gaarka loo leeyahay qaarkood iyo madaariista Islaamiga ah, waxa ay bilaabeen inay ardaydooda dugsiyada hoose u xidhaan dirays ka madaxbanaan midka ay dawladu isticmaasho. Dirayskaas oo loo xidho wiilal iyo gabdhaba waa inay wiilashu xidhaan shaadh cad iyo surwaal buluug ah, habluhuna haaf buluug ah iyo xijaab cad, waxaana xidhashada dirayskaas ka taagan dood salka ku haysa ujeedada uu u taagan yahay.
Sida caadiga ah wadan kastaa wuxuu dirayska ardaydiisa ku saleeyaa calanka wadanka amaba astaan kale oo qaran. Tusaale ahaan wadankii Somaliya wuxuu ardaydiisa dugsiyada hoose u xidhi jiray shaadh cadaan ah iyo surwaal gaaban oo buluug ah oo u dhiganta calanka iyo xidigta Somaliya, dugsiyada dhexe ee gaarka loo leeyahay iyo madaariista Islaamiga ee Somaliland qaarkood waxa iyagana loo xidhaa ardayda surwaal akhtaar ah iyo shaadh cad, waana astaan si cad uga turjumaysa midabada uu ka koobanyahay calanka Somaliland. Dugsiyada sare ee Somaliland ha noqdaan kuwa dawladda ama kuwa gaarka loo leeyahay waxa iyagana loo xidhaa surwaal madoow iyo shaadh cad ah oo iyaguna ay midabadoodu ku jiraan calanka Somaliland. Laakiin waxa ay su’aali ka taagantahay halka ay dugsiyada gaarka loo leeyahay qaarkood iyo weliba madaariista Islaamiga ahi ka keeneen surwaalka buluuga ah iyo shaadhka cad oo ah dirayskii ay dawladii Somaliya u xidhi jirtay ardayda marka laga reebo surwaalkii gaabnaa oo xilligiisii laga soo gudbay.
Dad badan oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa ku baraarugsan sirta ku duugan dirayska loo xidho ardayda dugsiyada hoose ee gaarka loo leeyahay qaarkood iyo weliba madaarista Islaamiga ah. Taas oo ah in dirayskaasi ka turjumayo calankii Somaliya. Laakiin waxa ayaan darro ah inaanay dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland muddadaa labaatanka sano ah dareemin arrintan liddiga ku ah astaanta qarannimo.
Col. Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar-yare), oo dhawr xil ka soo qabtay xukuumadihii Marxuum Cigaal, waxa uu ka mid yahay ragga sida weyn u ilaaliya qaranimada Somaliland. Mar uu wargeysku wax ka weydiiyey aragtidiisa arrintan ku aaddanna waxa uu yidhi “Dirayska ay qaataan waa surwaal buluuga iyo shaadh cad intaasna waxa la qaadan jiray barigaynu Somaliya isku tirsanayn, markaa maanta Somaliland iyo Somaliya waa laba wadan oo kala duwan.” Waxaanu intaas raaciyay “Markaa aniga waxay ila tahay qolooyinkiina Jaraa’idadu in aad faafisaan, khaasatan dugsiyada iyo hay’adaha kale wax allaale iyo wixii inaga sharafteena wax u dhimaaya waa in laga joogaa, waayo dugsiyadeenu inay qaataan dirayskii markaynu Somaliya isku jirnay ee muujinayay calankii buluuga ahaa ee Somaliya in aynu maantana muujinaa waa khalad weyn.” Ugu dambeyntiina Col. Cumar-yare wuxuu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in qaadashada dirayskaas laga mamnuuco dugsiyada hoose ee dalka.
Inkastoo laga yaabo inay jiraan astaamo kale oo weli u yaala sidii ay ahaayeen xilligii ay Somaliland ka tirsanayd Somaliya loona baahanyahay in loo saaro guddi kala gurta, haddana arrinta dirayska ardaydu waa mid si gaar ah indhaha u soo jiidanaysa maadaama oo ay xidhiidh toos ah la leedahay ubadka dalka oo ah ubaxa qaranimada Somaliland.
Si kastaba ha ahaate, wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaanba dawladda waxa waajib ku ah inay indho feejigan ku eegto dirayskan loo xidho ardayda dugsiyada hoose iyo madaariista islaamiga ah ee gaarka loo leeyahay.