“Daahir Rayaale Wuxuu Doonayaa Inuu Xisbigii Oo Isku Dhan Oo Bahweyntii UDUB Ah Wareejiyo, Waayo Madaxtinimadii Somalilandba Waa Kii Wareejiyay”

0
2432

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay shirweynaha xisbiga UDUB oo la filayo inuu toddobaadka dambe furmo iyo weliba xidhiidhkii uu la lahaan jiray Raysalwasaaraha Kenya Mr. Raila Odinga oo muddooyinkan dambe la hadal hayay inuu dalka iman doono.

P1000607Cawil, oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya wuxuu sheegay inay isaga iyo Raysalwasaaraha Kenya Raila Odinga markii u horaysay Hargeysa yimaadeen bishii May ee sannadkii 2001, markaas oo uu Raila Odinga ahaa siyaasi ka tirsanaa xisbigii NPP ee dalka Kenya.  “Ninka Raila Odinga dhawr iyo  soddon sannadood ayaanu saaxiib ahayn oo ah ilaa wakhtigii aan safiirka ahaa, markaas waxa weeye nin mabda’ adag oo wuxuu aaminsanyahay aan ka leex leexan. Waxaanu Hargeysa isu raacnay bishii May ee sannadkii 2001, waxaan ku idhi aan ku soo tuso horumarka ka jira Somaliland iyo inaanu ka duwanahay Somaliya, waxaan xasuustaa raggii ugu dhowdhowaa ilaa dad kale oo badani waxay ka codsadeen inaanu tagin oo waxay u haysteen meel ay xabadi ka socoto oo waxay u qaadan waayeen ninkan tagaya. Wuxuu ugu jawaabay meesha aan tagayaa waa meel ammaan ka jiro, Hargeysa markii aanu nimid wuxuu la kulmay Madaxweynihii hore Maxamed Ibrahim Cigaal, aad ayuu ugu waramay. Habeen ayaan Mansor ka kaxeeyay tobankii habeenimo, waxaanan geeyay  suuqa oo ay qof haweenay ahi lacag ku sarifaysay, waanu u qaadan waayay gabadhaas aanay cidi ilaalinayn ee lacagta sarifaysa iyo Nayrobi oo lixda galabnimo la kala caraabo. Markii aanu Hargeysa ka tagnay waxaanu marnay Addis Ababa, oo wuxuu la kulmay Wasiirkii khaarajiga ee Itoobiya, waxaanu ka codsaday sababta ay Itoobiya u ictiraafi weyday Somaliland, maalintaas wixii ka dambeeyayna wuxuu ahaa nin Somaliland la safan, doorashadii u dambaysayna haddii uu guulaysan lahaa waxaan qabaa inuu meel sare arrinteena gaadhsiin lahaa. Markaas ninkaasi waa saaxiib aynu leenahay oo wuxuu aaminsanyahay aan la gaban, haddii uu doorashada ku guulaysan lahaana wuuu ka badheedhi lahaa arrinta Somaliland, maalmahana waan la xidhiidhi doonaan oo waan ku dhiirigelin doonaa inuu Somaliland booqdo.”

 

Cawil oo la weydiiyay inuu ka soo qayb galayo shirweynaha UDUB oo la sheegay inuu toddobaadka dambe furmayo, wuxuu yidhi, “Golihii dhexe ayaa la buuxinayaa, tartankii guddoomiyaha iyo ku xigeenku waxaan filayaa in sannadka dambe dib loogu dhigay, bisha dambe waan imanayaa laakiin imika golihii dhexe ayuun baa la buuxinayaa. “

Mar la weydiiyay inuu is sharixi doono marka sannadka dambe la gudo galo tartanka murashaxnimo ee UDUB, wuxuu yidhi, “Haa, Waxaan qabaa ninkii isleh waxbaad dalka ka qaban kartaa inuu isa soo taago oo uu umadda barnaamikiisa hordhigo, dadkeenu marxalado badan ayaa horyaala, cadowgeenu wuu badanyahay, dawladii Somaliya iyadoon waxba ahayn waa taas inaga daba qaylinaysa, in maanta ragga is leh waxbaad dalka ku soo kordhinaysaan inuu soo baxo.”

Cawil, oo la weydiiyay sida uu u arko tartan ka dhex jiga xisbiga oo ku saabsan guddoonka UDUB, wuxuu yidhi  “Anigu waxaan qabaa Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen inaan la isku qabsan doonin, waayo haddii xisbigu taas isku qabsado waxay noqonaysaa inuu kala cararo. Markaas Madaxweynihii hore wuxuu doonayaa xisbigii oo isku xidhan oo bahweyntii UDUB ah inuu si sharaf leh u wareejiyo, waayo Madaxweynenimada waa kii wareejiyay sidaas uu Somaliland oo is haysata u wareejiyay oo maanta lagu ammaanayo inaanay Afrika inteeda badan ka dhicin,  xisbigana sidaas oo kale ayuu rabaa in si sharaf leh loo tartamo oo uu golaha dhexe kala doorto cidda tartamaysa. Markaas waxaan qabaa inaanu wax weyn oo khilaaf ahi imanayn balse tartan wuu imanayaa.”

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha UDUB wax taageero ah ka haysto marka ay noqoto murashaxnimada UDUB, wuxuu yidhi  “Isagu markaas oo kale waa Madaxweynihii hore oo wuxuu doonayaa inaanu ragga kala raacin waxaanu doonayaa inaanu raggaas tartamaya kala raacin, raguna barnaamij ayay dadku ku kala dooran doonaan.”

Ugu dambayn wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan siyaasiga reer Kenya ee Ilyaas Barre Shiil oo Hargeysa ku sugan, “Ilyaas Barre Shiil, waa nin fiican oo ah la taliyaha Raila Odinga ee arrimaha Somaliland iyo Somaliya, markaas waxa loo baahanyahay in wax badan la tuso oo meel kasta la geeyo  oo aynu tusno waxa aynu qabsanay oo marka uu Nayrobi ku noqdo uu uga warbixiyo waxyaabaha uu soo arkay, markaas waxaan leeyahay waa nin siyaasi ah oo firfircoon ee waxa loo baahanyahay in wax badan la soo tuso si uu  uga warbixiyo waxyaabaha uu soo arkay iyo waxa ay Somaliland qabsatay.” Ayuu hadalkiisa ku soo koobay.