Dugsiga Sare Ee Nuuradiin Oo Hantiyay Ardayga Ugu Sareeya Dugsiyada Sare Ee Somaliland

0
734

Picture7Hargeysa(Geeska)-Maamulka Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shalay  ku dhawaaqay natiijada Imtixaanadka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka dhammaaday oo ay u fadhiisteen in ka badan 23 Kun oo arday oo dugsiyada sare iyo kuwa dhexe iskugu jira.

Maamulka ayaa ku dhawaaqay natiiijada ardayda ugu saraysa sanadkan iyagoo kala saaray ardayda ugu saraysa dugsiyada dawladdu maamusho, kuwa ugu sareeya kuwa gaarka loo leeyahay iyo dugsiga SOS oo dhammaantood laga soo qaatay tobanka Arday ee ugu sareeya.

Dugsiyada Nuuradiin ayaa u muuqda inay guul ka soo hooyeen natiijada la soo saaray ee imtixaanaadka, iyadoo ardayga ugu sareeyay dugsiyada sare ee Somaliland uu noqday arday ka tirsan dugsiga sare ee wiilasha ee Nuuradiin. Cabdiraxmaan Maxamed  Cige Jaamac ayaa ah ardayga ugu sareeyay dugsiyada sare ee dalka, waxaanu  helay 756 dhibcood oo sabab u noqday inuu hoggaamiyo dhammaan dugsiyada sare ee Somaliland ee kala ah kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba. Maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin Md. Mahad Maxamed Ibraahim oo ay wejigiisa farxadi ka muuqatay ayaa hambalyo u diray guud ahaan ardayda Nuuradiin gaar ahaan ardaygan ugu sareeyay iyo ardayada Saynab Axmed Maxamed Sarhaye oo kaalinta 8aad ka gashay dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay gaar ahaan hablaha, “Wasaaradda waxbarashadu waxay ku dhawaaqday natiijadii imtixaanaadka ee dugsiyada sare iyo dhexe, Alle mahadii sidii horeba u dhici jirtay ardayda reer Nuuradiin waxay soo hooyeen guul aanu filaynay. Ardayga ugu sareeya dhammaan dugsiyada sare ee Somaliland wuxuu noqday Cabdiraxmaan Maxamed Cige Jaamac,oo ka baxay dugsiga sare ee wiilasha ee Nuuradiin, hablaha ka baxay dugsiyada sare ee gaarka ah waxa kaalinta 8aad gashay Saynab Axmed Maxamed Sarhaye.” Sidaas ayuu idhi Mahad.

Wuxuu intaas raaciyay in sannadkan ay wiilasha u fadhiistay imtixaanka dugsiga sare ee Nuuradiin ahaayeen 248 arday, waxaanu xusay in 44 ka mid ahi ay heleen darjada A, halka ay 96 heleen darada A-, iyadoo ardayda kalena heleen B. Ardayda dugsiga sare ee Nuuradiin ee hablaha ee imtixaanka u fadhiistay sannadkan ayaa iyagana uu ku sheegay inay yihiin 238 hablood oo dhammaantood helay darajooyinka A iyo B, halka aanay jirin gabadh keentay darajada C.

Ugu dambayn wuxuu Mr. Mahad bogaadin iyo hambalyo u diray maamulka iyo macalimiinta Nuuradiin oo uu sheegay inay sabab u yihiin guusha ay mar walba soo hooyaan ardayda reer Nuuradiin.