“Waxaan Idiin Sheegayaa Madaxweynuhu Inaanu Tagayn Shir Hawleed, Socdaalkiisu Waa Mid Nasasho Oo U Khaasa, Xisbiyadu Way Khaldamene Warkaasi….”

1
4072

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka jawaabay hadal ay xisbiyada mucaaradku Arbacadii ku sheegeen in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dalka Ingiriiska u tagayo shir lagu casuumay maamul goboleedyada Somaliya ee Puntland iyo Galmudug.

Md. Biixi, oo habeen hore ka qayb galay xaflad loo sameeyay ardayda dhammaysatay culuunta ICT-ga ee jaamacadda Hargeysa, wuxuu sheegay in dhallinyaradu tahay xoogga mar walba xaliyo dhibaatooyinka hadba soo kordha, “Adduunyada dhibaatadeeda nin dhalinyaro ah ayuun baa xaliya, aduunka oo dhan isbedalkii ilaa anbiyadii dhalinyaruunbaa xalisa, anigu maanta mawqifka aynu joohno dhibaatooyin badan ayaa ina  ina horyaala qaran ahaan, dhibaatoyinkaas cida ay sugayaan ee xalinaysaa waa dhalinyarada, kolkaa dhalinyarada maxaa lagu doortay, dhalinyarada xilku ma wada saarna ka geela raacaaya inyar ayaa saaran, ka beerta qodaaya inyar ayaa saaran, ka aan dugsiyada galin inyar ayaa saaran, ka dugsiga sare ka baxay in baa saaran, ninka Digrii qaatay ee aqoonyahanka ee dhalinyaro ah ee caafimaad qaba ee muruqiisii iyo maskaxdiisii qaba maanta masuuliyad aan cid kale saarnayan oo ah ta ugu wayn ayaa  saaran idina waxa laga yaaba in aad leedihiin maxaa wax naloogu qaban waayay danteenu waxay ku jirtaa in aynu labada isla helno.” Ayuu yidhi Biixi,

 

New Picture (5)waxaanu intaas raaciyay  “Wakhtiga aad doonyasaan ee aad cisho dhaw masuuliyiinta noqonaysaan ee xilka qabanayaan ee cisho walba ficilkiina iyo waxaad qabtaan la eegayo ee jaraa’idka iyo guuguulaha iyo dhanxiirku ay idin daba galayaan ma foga ee waa cisho dhow, maalinta aabe iyo hooyo aad noqon doontaane caruurta laga yaabo inaad sidan oo kale u soo korisaan way dhawdahay wakhtiga aad haysataana wuu yar yahay xilka idin sugayaana waa uu badan yahay.”

 

Isagoo Muuse Biixi ka jawaabay dhawaaqa xisbiyada mucaaradka, wuxuu yidhi  “Maalmahan waxa dhagaha aad uga batay madaxweynahaa ka qayb galaaya shir Puntland iyo Galmudug iyo Somaliland is barbar dhigaaya, xisbiyada qaranka waxaan  ku dhiiri galinayaa oo ku amaanayaa in ay shaqadooda qaranka ay qabsadaan, waa inay dawlada ilaaliyaan, sida fiinta u qayliyaan  ileen waa la khaldami karaa oo waa bini-aadame,  taasi waa shaqadooda’ee, laakiin iyaga iyo jaraa’idkaba halbaa looga baahan yahay  warka ay dadka u soo gudbinyaan inuu sax ahaadaa oo ay hubaan, haddii kale khalad fahan wareed ayaa dhacaaya.

Waxaan idiin sheegayaa madaxwaynuhu in aanu tagayn shir hawleed, socdaalkaas uu tagayaa waa mid nasasho oo u khaasa, walaa shirkaas ayaanu tagayn, walaa mid kale ayaan u qorshaysnayn, warna shirkaas looma hayo, markaa hadday dadaalayeen oo ay na ilaalinayeen way ku mahadsanyihiine way khaldameene warkaasu ma jiro umadana si qaldan ayay u soo gaadhsiiyeen. Hadday xagxagashadoodu toosin tahayna waxa ka wanaagsanaan lahayd dano badan oo kale ayaynu leenahaye in aynu danahaas kale isku toosino.”

Ugu dambayn wuxuu hadalkiisa ku soo koobay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha danta guud ah ee laga midaysanyahay  “Guud ahaana waxaan leeyahay malaha waxa ka roon hawlaha inoo yaala inaga oo waxuun iska sheeg sheegna inagoo wax wada qabsana, haddaynu xisbiyada nahay iyo kuwa soo socda iyo kuwa yar yar ee  jaraai’dada qaata ee hoosta ka jecel  iyo kuwa masaajidada jooga ee dadka jiheeya ee culimada inta aynu isku raacsanahay ee aynu isla ogolnahay ayaa ka badan inta aynu isku khilaafsanahay, waxaynu isku raacsanahay inay Somaliland aduunka kamid noqoto oo la ictiraafo, waxaynu isku raacsanahay in aynu nolasheena iyo mustaqbalkeena gaadhsiino mid wanaagsan.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed.