Dr. Maxamed Biixi Yoonis Oo Ku Soo Noqday Hargeysa

0
650

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo hadda ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga, ayaa khamiistii soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka-arrimaha-dibadda4-300x281

Maxamed Biixi, oo ka soo noqday safar uu ugu maqnaa dalalka jaarka, ayaa waxay soo noqoshadiisu ku soo beegmaysaa xilli uu wada hadal rasmi ahi u furmay siyaasiyiinta uu ka tirsanyahay ee isbahaysiga iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka mid ahaa wasiiradii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, wakhtigii uu qabsoomay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE.