Badhasaabka Togdheer Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

0
640

Hargeysa(Geeska)-Badhasaabka gobalka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

q

Guddoomiye Qabo, oo ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin dawladda ka tirsan, xildhibaano iyo dadweyne kale, waxaana hadal uu badhasaab Qabo halkaas ka jeediyay kaga waramay safarkiisa, isagoo sidoo kale ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka taagan, waxaanu Alle ka baryay inuu umaddiisa u shubo raxmadiisa.

Wuxuu kale badhasaabka Gobalka Togdheer ka hadlay diiwaangelinta ka bilaabmaysa maanta Saaxil, Hawd iyo Gabiley, waxaanu dadweynaha gobaladan ugu baaqay inay si wanaagsan uga qayb qaataan diiwaangelinta cod bixiyayaasha, sidii ay sameeyeen gobalada Togdheer iyo Awdal.

Wuxuu ugu dambayn u mahadceliyay dadweynihii soo dhaweeyay, oo uu uga mahadnaqay wakhtiga ay u hureen soo dhawayntiisa.  Guddoomiyaha gobalka Togdheer, ayaa la filayaa inuu u ambobaxo xarunta gobalka Togdheer ee Burco.